Talo seegtay Wasiirka Amniga, Taliye Xijaar & kuwa kala taageeraya

0

(Muqdisho) 27 Abriil 2022 – Wasiirka Ammaanka ayaa soo saaray wareegto uu sheegay inuu shaqa joojin ku sameeyey Taliyaha Booliiska Md Xijaar oo sida muuqata dhex galay arrimo siyaasadeed oo ka baxsan howshii loo igmaday.

Waxaa arrintan qoraalkan kooban ka sameeyey qoraaga hoos ku xusan oo u dhigay sidatan:

‘Amniga doorashada ma dammaanad qaadi karo’ jawaabteedu waa ‘Haye iska fadhiiso cid dammaanad qaadi kartaa loo dhiibayaaye.’

Taliyaha talaa seegtay, wasiirkana talaa seegtay. Taliyuhu inuu shacabka la hadlo ma ahayne waxay ahayd inuu Wasiirka, Ra’iisul Wasaaraha, iyo Guddoonka Baarlamaanka toos ula hadlo oo uu go’aankooda fuliyo ama cid fulisa uga leexdo.

Wasiirkuna hadaltiradan badan ee uu qoray uma baahnayne waxay ahayd inuu yidhaahdo taliyuhu arrintaa haddii uusan awoodin waxaan u magacaabay cid kale.

Labada kooxood ee la kala safanna waxay wadaan waaba waalli.

W; Q: Muxamed Yuusuf

Hadalsame Media