5 sano kaddib ma aha inay shacabku ka sheekeeyaan yaa SHARCI ah shiddo oo kas loo shiilay (Xalka?)

0

(Hadalsame) 27 Abriil 2022 – Max’ed Farmaajo wuxuu 8-dii Febraayo 2017-kii noqday MW lagu tilmaamay midkii ugu shacbiyadda badnaa dalka Somalia tan iyo waayihii Aadan Cadde, yeelkeede, maanta 5 sanadood iyo suggood wuxuu qori la hor taagan yahay Teendhadii lagu doortay isagoo diiddan in la qabto doorasho tumin uun ka ah sidii ay u qaabaysnayd middii uu kusoo baxay mid u dhaganta lagaba quusay e.

MAXAA KHALDAMAY? Farmaajo oo ay iskugu darsantay isaga oo aan talo fiicnayn iyo isaga oo aysan la talin dad talo fiican, wuxuu markii uu jid kasta soo xirmey saaka isagoo dal dhan Madaxwayne looga dhigay ku dheggan yahay muran xaafadeed isaga ka hooseeya.

Haa, waa muran xaafadeed, waayo sida laga yeelayo kuraasida 10-ka ah iyo halkii lagu qabanayo marna ma ahayn inay noqoto dood Madaxwayne walaa arrin lagu carqaladeeyo masiir ummadeed. Xitaa ma lihi kuwa dhinaca kale uga dheggan ayaa wax fiican samaynaya ama saxan, laakiin ma aha, ma istaahisho mana dhama arrin uu Madaxwayne ku gorgortamo.

SABAB? Dadka indhow-garadka ah waxay uga dheggan tahay in xildhibaannada ay dooddu ka taagan tahay la wada diido ama ay teendhada tagaan kuwa ay iyagu doonayaan, balse sheekadu maba aha xildhibaannada ee waa sida khilaafkan loo falkiyey, loo dhiraandhiriyey, loolana sugey maanta oo kale iyadoo la haystey 2 sano iyo suggood lagu xallin karo. Yaan lagugu luminin sheekada daahirkeeda sare waxaa ka muhiimsan ujeedka laga leeyahay xildhibaannadan la is dulsaaray.

Aanna markale ku celiyee ma ahayn mana aha inuu Madaxwaynihii dalku arrintan isagu dhex boodo oo ummaddii jeclayd ee aamintey han yari heerkaa gaarsiisan ugu khatimo, ku abaal ka dhaco, ka faa’iidaysto, kuna dilo kalsoonidoodii qaran ee aanu ka iibsan balse ay u garteen iyagoo ka urinaya wanaag ay raadinayeen.

Beesha kuraasida iska lihi haddii ay doonto haku muranto, meeshii ay doonta se ha gaysatee waxay ahayd inaan lagu arag raadka Madaxwaynaha, sidoo kale sax iyo khalad wixii ay yihiin iyadu haka wada hadasho, waayo taasi waxay baylihisay amaanadii ummaddu isaga ku qabtey. Dadku waxay is waydiinayaan oo kale sababta kuraasida Gedo muranka gelisey oo aysan u geli jirin fasal-siyaasadeedyadii hore?

Waa su’aal is fasiraysa oo keenaysa inay dadka kuwooda waxgaradka ihi is waydiiyaan inta ay dhan tahay odaynimada, daacadnimada, garashada, samadoonnimada, talo wanaagga, u danaynta dalka, eegidda maslaxada guud IWM.

Waxaan ka hadlaynaa dee qof caadi ah ma aha waa Madaxwaynihii dalka, waa ninkii la doonayey inuu isagu jid furo marka uu jid kasta xirmo, uu xal keeno marka ay xasaradi ooganto, uu dulqaato marka ay inta kale diidaan, uu wax reebo marka ay inta kale wada qaataan, uu dalka u turo marka ay inta kale wax ku ciyaaraan. Ogoow mar kasta Somalia ma laha mucaarad mas’uul ah, marka qiyaas goorta la waayo muxaafid mas’uul ah waxa xaalku noqon karo. Waa maanta oo kale iyo isma dhaanto iyo dasheed.

Haatan waxaa loo baahan yahay XAL mana iibsamayso siyaasadda sidan u fashilan ee ah in inta la iska fadhiyo oo la xil-dhaafo iyadoo aysan jirin sabab sharci ah oo la muddo-dhaafo iyadoo aanu jirin heshiis siyaasadeed oo la isku raacsan yahay, taasoo aan dhicin mudadii burburka misna maanta qori lala hor istaago doorashadii, iyadoo aanay jirin cid talo iyo caqli haysa oo ka fikiraysa sida xaajadan loo far iyo suulin karo iyadoon fogaan.

XALKA: Halla hakiyo oo dib halloo dhigo xildhibaannada 16-ka ah ee laga sugayo Gedo ee inta kale howsha hasii waddo si ay doorashadu usii socoto inta arrintooda laga xallinayo.

TALO: Dalka haddii aanad waxba ku kordhin karin walba ha uga darin.

W; Q: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media