“Waxaan duqaynaynaa UK & diblomaasiyiinta Galbeedka” – Ruushka oo furka xooray kaddib hadal kasoo yeerey dalka UK

0

(Moscow) 27 Abriil 2022 – Kremlin-ka Ruushka ayaa sheegay inay duqayn karaan goobo ku yaalla UK taageerada ay siinayaan Ukraine darteed, iyagoo sidoo kale bartilmaameedsan kara diblomaasiyiinta British-ka ah ee ku laabanaya Kyiv kaddib hadalkii Wasiirka Gaashaandhigga ee ‘daandaansiga ahaa’ ee ku saabsanaa in la duqeeyo Ruushka.

Maria Zakharova, oo ah Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Ruushka, ayaa soo jeedisay inay fasixi karaan weerarrada ka dhanka ah dowladaha NATO ee hubka siiya Ukraine.

Hadalkeeda ayaa yimid kaddib markii Wasiirka Gaashaandhigga Britain ee James Heappey uu sheegay in UK ay taageerayso duqeymaha cirka ee ay Ciidanka Ukraine gaystaan ee ka dhanka ah kaabayaasha Ruushka.

Waxa uu intaa ku daray in ay si buuxda ‘sharci u noqonayso’ in hubka Britain ku deeqdo loo adeegsado weerarradan oo kale, inkasta oo aan weli loo adeegsan sida loo malaynayo.

Heappey waxa kale oo uu sheegay in Britain ay dib u bilaabi doonto tababarida ciidamada Ukraine ee ku sugan gudaha Ukraine hadii ay qabowdo colaadda bariga Donetsk iyo Luhansk.

Yeelkeede, hadalladiisa waxaan la dhicin Kremlin-ka, iyadoo Wasaaradda gaashaandhiggu ay ku eedeysay ‘daandaansi’.

Moscow waxay sidoo kale ka digtey inay diyaar u tahay inay weerarto ‘xarumaha go’aan qaadashada’ ee Kyiv iyada oo wadda weerarro aargoosi ah – xitaa haddii diblomaasiyiin British ah iyo kuwa kale oo reer Galbeed ihi ay joogaan.

Dhanka kale, Tobias Ellwood, oo ah Guddoomiyaha Guddiga Difaaca, ayaa sheegay in hadalka Heappey uu yahay ‘mid keeni kara suurtogalnimada weerarro aargoosi ah oo lagu qaado Poland’.

Arrintan ayaa ku beegmaysa kaddib markii RW Boris Johnson uu todobaadkii hore ku dhawaaqay in Britain ay dib u fureyso safaaradeeda Kyiv labo bilood kaddib markii shaqaalaheeda laga daadgureeyay dagaalka dartii.

Safaaradda ayaa la furayaa usbuucan ‘waxay se ku xiran tahay xaaladda amniga’. Melinda Simmons, oo ah Safiirka UK ee Ukraine, ayaa diyaar u ah inay noqoto mid ka mid ah dibllmaasiyiinta ugu horreeya ee kusoo noqda Ukraine.

Hadalsame Media