“Waxay soo dhaafeen khadka cas!” – Australia & Maraykanka oo afka furtay kaddib tillaabo uu Shiinuhu qaaday

0

(Canberra) 25 Abriil 2022 – Raiisal Wasaaraha Australia, Scott Morrison, ayaa wuxuu ku dhawaaqay Axaddii in saldhig millateri ee Shiine ka samaystay jasiiradaha Solomon uu noqon doono “khad cas” oo aan la aqbali karin, isaga oo aan ku darin sida Canberra ay uga aargoosan doonto.

Dowladda Morrison iyo Maraykanka ayaa u xusul duubaya sidii ay uga jawaabi lahaayeen heshiis amni oo ay dhowaan kala saxiixdeen jasiiradahan iyo Beijing, kaasoo ay u arkaan tallaabo “gardarro ah”.

“Annagoo la kaashanayna saaxiibbadeenna New Zealand iyo dabcan Maraykanka, waxaan la qabaa isla khadka cas ee uu Maraykanku sheegay marka ay timaado arrimahan,” ayuu yiri Morrison.

“Ma ogolaan doonno in saldhigyada Ciidamada Badda ee Shiinaha la keeno gobolkeenna iyo albaabkeenna.” Ayuu raacshey.

Jasiiradahan yar yar oo fadhiya meel 2,000km u jirta woqooyi bari ee xeebta Australia, waxay Solomon Islands saameeyeen wararka caalami todobaadkii hore markii ay heshiis dhanka ammaanka ah la saxiixdeen Shiinaha.

Iyada oo waddankan jasiiradda ahi ay ka dhaceen mudaaharaadyo rabshado wata sannadkii hore, heshiiska – marka la eego qabyo-qoraalkiisa – waxa uu ballan qaadayaa aqbalitaanka caawinta Shiinaha ee “ilaalinta nidaamka bulsheed” wuxuuna u oggolaanayaa maraakiibta dagaalka ee Shiinaha inay ku soo xirtaan dekedahooda.

Yeelkeede, Raiisal Wasaaraha Solomon Islands, Manasseh Sogavare, ayaa ku adkeysanaya in heshiisku uu ahaa mid lama huraan u ah xoojinta amniga oo “ay hagayeen danaha qarankoodu”.

Waxa uu kale oo todobaadkii hore sheegay in aanu heshiisku ogolayn in Shiinuhu uu saldhig millateri ka samaysto jasiiradahaasi, arrintaas oo ay Beijing sidoo kale carabka ku dhufatay.

Hadalsame Media