Arag NACFIGA ay Ukraine ku fadhiso ee ay iskugu haystaan Ruushka & reer Galbeedku

0

(Hadalsame) 25 Abriil 2022 – Dhallinyaro, idinka oo wax ka baranaya dalka Ukrain, dhinac kamid ah sababaha uu Ruushka u weerarayo dalkaas waxay tahay sidan:

Ukrain waxay Ruushka la leedhay xuduudda ugu dheer ee dowlad Yurub ay kala dhexeyso. Xuduuddaas ayaa dhererkeedu yahay ku dhowaad 2,300 km. Ukrain waa dalka ugu dadka badan waddamada Yurub ee Ruushka la deriska ah. Waxaa dalkas ku dhaqan tiro dad gaaraya Dadka 42,5 melyan.

Ukrain waa dalka labaad ee ugu weyn Yurub.
Ukrain waa dalka 1-aad ee Yurub ee kaydka la xaqiijiyay ee macdanta uranium-ka.
Dalku wuxuu kaalinta 2-aad ee Yurub iyo kaalinta 10-aad ee aduunka kaga jiraa marka la eego kaydka macdanta titanium (Ti).

Dalku wuxuu kaalinta 2-aad ee adduunka kaga jiraa marka la eego kaydka la sahamiyey ee macdanta cunsurka manganese-ka (Mn). Markii la eego heerka dowladaha adduunka, waxay noqoneysaa 12% kaydka adduunka.
Ukrain waa waddanka 2-aad keydka macdanta birta heer caalami ah.

Ukrain waa waddanka 2-aad keydka macdanta meerkuriga (Hg) heer Yurub. Kaalinta 3-aad ee Yurub iyo kaalinta 13-aad ee aduunka, Ukrain waxay kaga jirtaa keydka gaaska shale (22 trillion sedjibke oo meters). Keydka dhuxusha adduunka (C), waa kaalinta 7-aad . Wadar ahaan kheyraadka dabiiciga ah oo dowladuhu leeyihiin, Ukrain waa dalk 4-aad.

Ukrain waxay kaalinta 1-aad ee Yurub kaga jirtaa marka laga hadlayo bedka dhul beereedka. Kaalinta 3aad ee adduunka marka loo eego bedka ciidda madow (25% mugga adduunka);

Kaalinta 1-aad ee aduunka dhoofinta saliida laga sameeyo geedka gabbaldayaha. Kaalinta 2-aad ee aduunka dal soo saara qamadiga.
Kaalinta 4-aad adduunka dal dhoofiya qamadiga. Kaalinta 3-aad ee ugu weyn dal soo saara galleyda. Kaalinta 4-aad adduunka ee dal dhoofiya galleyda. Kaalinta 4-aad ee adduunka dal soo saara baradhada.

Kaalinta 5-aad ee adduunka soo-saarka malabka (75,000 ton). Kaalinta 8-aad ee adduunka ee dhoofinta sarreenka. Kaalinta 9-aad ee adduunka wax-soo-saarka ugxanta (ukunta) digaagga. Kaalinta 16-aad ee adduunka dhoofinta farmaajada.

Waa waddanka 1aad ee Yurub ee wax soo saarka maaddada ammonia. Ukrain waxay kamid tahay waddamada ku hor-maray dhismaha dhuumaha shidaalka qaada (Yurub waa dalka 2-aad, adduunka waa dalka 4-aad).

Ukrain waxay kamid tahay waddamada ku hor-maray dhismaha wershada dhaliya tamarta nuklierka (Yurub waa dalka 3-aad, adduunka waa dalka 8-aad). Ukrain waxay kamid tahay waddamada ku hor-maray dhismaha shabakadaha tariinnada (Yurub waa dalka 3-aad, adduunka waa dalka 11-aad).

Waa waddanka 3-aad ee ugu badan dhoofinta birta. Waa waddanka afaraad ee dhoofiya marwaxadaha nuklierka. Waa waddanka afaraad ee soo saara gantaallada. Waa waddanka afaraad dhoofinta dhoobada bacriman ee beeraha.

Waa waddanka 4-aad ee dhoofinta cunsurka Titanium-ka. Waa waddanka 8-aad ee dhoofinta guud ahaan macdanta. Waa waddanka 9-aad ee ee dhoofinta agabka warshadaha dhowra. Soo saaraha birta 10-aad ee adduunka ugu weyn (32.4 milyan oo tan)

Ahmiyadda istraateejiyad ee dalku uu leeyahay waxaa ugu wayn, dalku wuxuu muhim u yahay in uu ku kala dhex-yaal badda madow iyo dhulka Ruushka.

Baddaasi waa badda uu Ruushku kala xiriiro dowladaha adduunka. Dhaqaale ahaan Ukrain, dalkeeda iyo dadkeeda waxay awood u leeyihiin in ay masruufaan 600 oo melyan oo qof.

Waxaa Isku Duwey: Dr. Saadiq Enow

Hadalsame Media