Israel oo ka hadashay inay Muslimiinta & Yuhuudda u qaybinayso Al Aqsaa (Marmarsiinyo yaab leh)

0

(Quddus) 25 Abriil 2022 – Israa’iil wax qorshe ah kama laha inay Yuhuudda iyo Muslimiinta u qaybiso Masjidul Aqsaa ee ku yaalla magaalada Quddus, sida uu sheegay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Israa’iil Yair Lapid Axaddii, isagoo ku boorriyey hoggaamiyeyaasha Muslimiinta inay xoojiyaan dagaalka ka dhanka ah “wararka been abuurka ah”, sida uu yiri.

Yuhuudda ayaa waxay sheegataa in Masjidul Aqsaa oo ah goobta 3-aad ee ugu xurmada badan Islaamku uu yahay macbadka ugu xurmada badan diintooda iyagoo u yaqaan Temple Mount.

Yeelkeede, kaddib markii ay qayladhaan kasoo yeertey dunida Muslimka oo ay ku jirto Jaamacadda Carabta oo ka digtey inuu khilaafku ballaaran doono Wasiir Lapid ayaa ku dhawaaqay inaysan Yuhuudda u ogolaan doonin ku cibaadaysiga masjidka barakaysan.

“Israa’iil waxaa ka go’an inaysan waxba ka bedelin Macbadka Buurta (Al Aqsaa). Muslimiintu way ku tukadaan, dadka aan Muslimka ahaynna waa booqdaaan oo keliya. Wax is beddel ahina ma jiro, mana jiri doono,” ayuu Wasiirku ku nuux-nuuxsaday.

Caadiyan Yuhuuda waa ka mamnuuc inay ku tukadaan goobta, waase xannibaad uu booliiska Yuhuuddu ka masuul yahay dhaqangelintiisa, laakiin sida uu Sabtidii ku marmarsooday Wasiirka Qurba-joogta, Nachman Shai, xaaladdu “way xumaatay” kaddib markii qaar ka mid ah booqdayaasha Yuhuuddu “ay ballantii ka bexeen oo ay masjidka ku dhex “tukadeen”, taasoo uu ku sheegay wax xitaa marar kale dhici kari doona.

Hadalsame Media