“Waxaa taliyeyaasha ciidamada looga digayaa inay ku lug yeeshaan falalka lagu carqaladaynayo doorashada” – RW Rooble

0

(Muqdisho) 25 Abriil 2022 – Ra’iisul Wasaaraha XFS, Maxamed Xuseen Rooble, ayaa waxa uu sheegay inuu aad uga xun yahay wax uu ku tilmaamay ficillada gurracan iyo isku dayada is daba joogga ah ee lagu carqaladeynayo habsami u socodka doorashooyinka, ficilladaas oo uu ugu dambeeyay isku daygii maanta lagu beegsaday Guddoomiyaha KMG ah ee Golaha Shacabka, Howlwadeennada Golaha Shacabka iyo 16-kii xildhibaan ee dhawaan lagu doortay degmada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo.

“Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble waxa uu uga digayaa taliyeyaasha CIidammada Booliska iyo Nabad Sugidda in ay ku lug yeeshaan falalka gurracan ee lagu carqaladeynayo habsami u socodka doorashada oo heer gebogebo ah mareysa, shacabka Soomaaliyeedna waxa uu ka codsanayaa in ay isha ku hayaan dadka ka dambeeya abaabulka falalka lagu carqaladeynayo dhammeystirka doorashada,” ayaa lagu yiri qoraalka.

“Ra’iisul Wasaare Rooble oo khadka telefoonka kula hadlay Guddoomiyaha KMG ee Golaha Shacabka ayaa ku bogaadiyay sida geesinimada leh ee guddoonka KMG ee labada aqal u wadaan howsha doorashada,kuna dhiirrigeliyay in ay waajibaadkooda gutaan.

“Ugu dambeyn Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu xusuusinayaa xildhibaannada BJFS inay in ay saaran tahay mas’uuliyadda ugu sarreysa ee dalka waxa uuna ku dhiirrigelinayaa in ay u miboobaan dhammeystirka doorashada dalka si looga gudbo marxaladdan adag.” Ayaa la daba dhigay.

Hadalka RW Rooble ayaa imanaya xilli uu Guddoonka Baarlamanka ee KMG ihi sheegay in la xabadeeyey xilli ay dhaarinayeen xildhibaanno ay doodi ka taagan tahay oo lagu soo doortay Ceel Waaq.

Hadalsame Media