Sweden & Finland oo ku heshiiyey inay hal mar ku wada biiraan NATO (Taariikhda & ballanqaad loo sameeyey)

0

(Hadalsame) 26 Abriil 2022 – Laba warqaad – mid Swedish ah, iyo mid Finnish ah – ayaa wada qoraya in dowladaha Sweden iyo Finland ay isla qaateen inay hal mar wada dalbadaan ku biiritaanka NATO taasoo weliba dhacaysa bartamaha bisha soo aaddan.

Wargeyska Iltalehti ee Finland ayaa sheegay in Dowladda Sweden ay u muujisay rabitaan ah inay Finland si wadajir ah u wada codsadaan usbuuca bilaabmaya 22-ka Maajo, ilo-wareedyo ka tirsan dowladda Sweden ayaana sidaa u xaqiijiyay wargayska facsharka qora ee Expressen ee Sweden.

Duullaanka Ruushka ee Ukraine ayaa horseeday in Sweden iyo Finland oo daris la ah Ruushku ay sii kordhayaan taageerada ay ku doonayaan inay biiraan NATO.

In kasta oo aanay xubno ka ahayn NATO, haddana labada waddan ee Woqooyiga Yurub waxay si dhow ula shaqeeyaan NATO, taas oo u oggolaanaysa, waxyaabo ay ku jiraan, in ciidammada gaashaanbuurtani ay dhoollatus ku sameeyaan dhulkooda.

Codsiga Swedish-ka ayaa hore loo filayey inay soo gudbiyaan xilliga shirka NATO ee ka dhacaya Madrid 29-20 Juun, sida laga soo xigtey warbixinnada Swedish-ka horraantii bishan, laakiin xogtii ugu dambaysey ee lagu sheegay jaraa’idyadan Iswidishka iyo Finishka ayaa sheegaya in taariikhdan la soo hormarin karo.

Dhanka kale, Aftonbladet ayaa qoraya in Sweden ay Maraykanka iyo UK ka haysato ballanqaad ah in la ilaalin doono muddada ay codsiga wadaan, iyadoo ciidamo loosoo dirayo lana siinayo taageero siyaasadeed.

Si kastaba, Ruushka ayaa horay uga digey labadan dal ku biiritaanka NATO, iyadoo si cad loogu sheegay inay cawaaqib xumi ka dhalan karto tillaabadaasi, waxaana durbaba gantaalo nukliyeer ah lagu callaqay dalka Finland.

Hadalsame Media