Ruushka oo hub Dagaalkii 1-aad ee Dunida la isticmaali jirey oo halis ah ku harqiyey Ukraine + Sawirro

0

(Bucha) 25 Abriil 2022 – Dadka yaqaan culuunta baarista ayaa magaalada Bucha, ee woqooyiga Kyiv, ka xaqiijiyey in daraasiin dad ah oo rayid ah ay Ruushku ku laayeen madaafiic ay ku dhex jiraan biro yar yar oo sida masaamiir oo kale ah.

Dhakhaatiirta baaraysa maydad laga soo saaray xabaal wadareedyo kaddib ka bixitaankii ciidamada Ruushka ee gobolka horraantii bishan, ayaa ka helay masaamiirtan oo loo yaqaan ‘flechettes’ – oo ku jira maydadka madaxa iyo laabta.

Tuhunka warkan ayaa waxa uu yimid kaddib markii dadka rayidka ah ee degaanku ay sheegeen in ay beerahooda ka heleen boqollaal birood oo yar yar kaddib markii ay duqeeyeen madaafiicda Ruushku.

‘Flechettes’ – waa biro fiiqan, oo hal-inch-dherer ahaan wax yar ka dheer, waxaana aad loo isticmaali jirey xilligii Dagaalkii Koowaad ee Adduunka marka loo eego dagaallada dambe ee casriga ah.

Axdiyada caalamiga ihi farsamo ahaan ma mamnuucin laakiin kooxaha xuquuqul insaanka ayaa diidey isticmaalkooda sababo la xiriira kala sooc la’aantooda iyo dabeecadooda aan saxnayn.

“Waa inaan marnaba hubka noocan ah loo isticmaalin goobaha rayidka ah ee dhisan.” ayay tiri Amnesty International oo qoraal soo saartay.

Hadalsame Media