DEG DEG: MW Deni oo soo saaray bayaan uu uga jawaabayo wareegto kasoo baxday MW Xigeenka Puntland

0

Madaxweynaha Maamulka Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ganafka ku dhuftay bayaan kasoo baxay MW Xigeenkiisa, Axmed Karaash oo sheegay inuu isagu si ku sime ahaan uu ula wareegey Madaxtooyada Puntland.

“Anigoo ah Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Saciid Cabdullaahi Deni, dhawrayana masuuliyadda iga saaran illaalinta sareynta sharciga sida ku cad Dastuurka Dowladda Puntland qodobkiisa 80-aad, farqaddiisa 2-aad, fulinayana awoodaha Dastuuriga ah ee ku cad qodobka 80-aad, waxaan halkaan ku caddeynayaa in aanaysan dhaqangal ahayn wareegto kasta ee uu soo saaro Madaxweyne kuxigeenka Dowladda Puntland aniga oo ku sugan gudaha Dalka Soomaaliya,” ayaa lagu bilaabay qoraalka MW Deni.

“Haddaba, waxaan farayaa dhammaan hay’adaha Dowladda in qofkastaa shaqadiisa qabsado, aanna loo hogaansamin wareegto kasta oo aan waafaqsaneyn Dastuurka iyo Qawaaniinta kale ee Dowladda Puntland sida ku cad qodobka 138-aad, farqaddiisa 2-aad ee Dastuurka Puntland.” ayaa la raaciyey.

MW Xigeenka Puntland Md Karaash ayaa horay usoo saaray wareegto u dhignayd sidatan:

Xeer Kusime Madaxweyne Lr 97, April 25, 2022 Magacaabid Agaasimayaal.

Kusimaha Madaxweynaha dowladda Puntland.

Markuu Arkay:- Dastuurka dowladda Puntland Qodobkiisa 81-aad.

Markuu Arkay:- Baahida loo qabo dar-dargelinta Shaqada Hay’addaha dowliga ah.

Markuu Tixgeliyey:- Aqoonta, Kartida iyo Waayo-aragnimadooda.

Wuxuu u Magacaabay:-

1- Waxaa Axmed Shire Axmed (Garoon) loo magacaabay Agaasime ku xigeenka guud ee Dakhliga Wasaarada Maaliyada dowladda Puntland.

2- Waxaa Maxamuud Maxamed Axmed (Gurungur) loo magacaabay Agaasime ku xigeenka guud ee Machadka Tababarada Shaqaalaha Rayidka ah ee dowladda Puntland.

3- Waxaa Samsam Cabdiqafaar Maxamuud loo magacaabay Agaasime ku xigeenka guud ee Xarunta Maaraynta Xogaha Khayraadka Biyaha iyo Dhulka ee dowladda Puntland.

4- Waxaa Cabdirisaaq Maxamuud Faarax loo magacaabay Agaasime ku xigeenka guud ee Hay’adda Maamul wanaaga iyo La-dagaalanka Musuqmaasuqa ee dowladda Puntland.

5- Waxaa Farxiya Maxamed Maxamuud loo magacaabay Agaasimaha Waaxda Dimuqraadiyeynta ee Wasaarada Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyada ee dowladda Puntland.

6- Waxaa Cabdiwaduud Yuusuf Faarax loo magacaabay Agaasimaha Waaxda Maamulka iyo Maaliyada ee Wakaalada Tamarta Dowladda Puntland.

7- Waxaa Cabdulqaadir Siciid Guureeye loo magacaabay Agaasimaha Waaxda Adeega Caafimaadka, Quudinta, iyo Xaaladaha deg-dega ah ee Wasaarada Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee dowladda Puntland.

8-Waxaa Cabdirabi Maxamed Axmed Bootaan loo magaacabay Agaasimaha Waaxda Horumarinta Dhaqaalaha ee Wasaarada Qorshaynta, Horumarinta Dhaqaalaha iyo Iskaashiga Caalamiga ah dowladda Puntland.

9- Waxaa Liibaan Cismaan Siciid loo magacaabay Agaasimaha Waaxda Arrimaha Bulshada ee Wasaaarada Shaqada iyo Shaqaalaha, Dhalinyarada iyo Ciyaaraha ee dowladda Puntland

10- Waxaa Samiiro Cabdulqaadir Maxamuud loo magacaabay Agaasimaha Waaxda Iskaashiga Caalamiga ah ee Wasaarada Qorshaynta, Horumarinta dhaqaalaha iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee dowladda Puntland.

11- Waxaa Axmed Ibraahim Axmed loo magacaabay Agaasimaha Waaxda Horumarinta iyo Tababarada ee Machadka Tababarada Shaqaalaha Rayidka ah ee dowladda Puntland.

12- Waxaa Mukhtaar Cabdi Ibraahim (Fariiq) loo magacaabay Agaasimaha Waaxda Iskaashiga iyo Xiriirka ee Machadka Tababarada Shaqaalaha Rayidka ah ee dowladda Puntland.

13- Waxaa Bashiir Maxamuud Yuusuf (Dhaashane) loo magacaabay Agaasimaha Waaxda Maamulka iyo Maaliyada ee Machadka Tababarada Shaqaalaha Rayidka ah ee dowladda Puntland.

14- Waxaa Siciid Ismaaciil Weyrax loo magacaabay Agaasimaha Waaxda Kobcinta Kartida iyo Xirfadaha ee Machadka Tababarada Shaqaalaha Rayidka ah ee dowladda Puntland.

15- Waxaa Abuubakar Nuur Muuse loo magacaabay Agaasimaha Waaxda Cilmi baarista ee Machadka Tababarada Shaqaalaha Rayidka ah ee dowladda Puntland.

16- Waxaa Farxiya Jaamac Maxamed loo magacaabay Agaasimaha Waaxda Maaraynta Xogta Biyaha ee Xarunta Maaraynta Xogaha Khayraadka biyaha iyo Dhulka ee dowladda Puntland.

17- Waxaa Maxamed Nuur Nageeye loo magacaabay Agaasimaha Maaraynta Xogta Dhulka ee Xarunta Maaraynta Xogaha Khayraadka Biyaha iyo Dhulka ee dowladda Puntland.

18- Waxaa Xaliimo Maxamuud Cali Aadan (Jabhad) loo magacaabay Agaasimaha Waaxda Maamulka iyo Maaliyada ee Xarunta Maaraynta Xogaha Khayraadka biyaha iyo Dhulka dowladda Puntland.

Xeerkan wuxuu dhaqan gelayaa marka uu saxiixo Kusimaha Madaxweynuhu, wuuna saxiixay.

Hadalsame Media