ATMIS oo bandow kale kusoo rogtey Xerada Xalane & ujeedka

0

(Muqdisho) 24 Abriil 2022 – Bayaan kasoo baxay Howgalka ATMIS (Ex AMISOM) ayaa lagu sheegay in bandow lagu soo rogey guud ahaanba Xeradda Xalane.

Bandowgan oo soconaya inta u dhaxeysa 26 ilaa 28-ka bishan Abriil, ayaa go’aankiisa lagu gaarey kaddib la tashi ay la sameeyeen Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Max’ed Xuseen Rooble.

Waxay kaloo qoraalka ku sheegeen inaan loo dhowaan karin Xarunta Ciidanka Cirka ee Afisyooni halkaas oo ah goobta doorashadu ay ka dhaceyso.

Waxaa dheer, in  howlaha kale ay si caadi ah u soconayaan mudadaas, sida kuwa Garoonka Caalamiga ah ee Aadan Cadde.

Muddada lasoo rogey bandowga waxaa ku beegan oo dhaceysa doorashadda Gudoonka labadda Aqal ee Baarlamanka 11-aad ee DF Somalia.

Hadalsame Media