Yaa ku horreeya codadka la tiriyey tartanka doorashada Macron & Marine? (Muslimka Faransiiska oo isha ku haya)

0

Codadkii la dhiibtey kaddib wareeggii labaad ee codbixinta doorashada Faransiiska Axaddan ayaa muujineysa in Madaxwaynaha xisbiga Dhexe ee Emmanuel Macron uu ku guuleysan doono 58.5% codadka ah, halka Marine Le Pen ay heshay 41.5%.

Natiijooyinka rasmiga ah se lama daabici doono ilaa Isniinta berri ah, balse sida muuqata waxaa guulaystey Macron.

Macron ayaa ku socda waddadii uu ku noqon lahaa Madaxwaynihii ugu horreeyey ee Faransiis ah muddo 20 sano ah oo dib loo doorto, sida lagu sheegay ra’yi ururin ay daabacday Ipsos oo ay soo xigatey warbaahinta Faransiisku.

Wareeggii koowaad ee doorashadan ayaa dhacay 10-kii Abriil, waxaana isku haray labadan musharrax oo kala ah Macron iyo Marine Le Pen oo ka tirsan xisbiga National Rally Party, oo ay dad badani u arkaan musharrax midig fog ah oo cunsuri ah.

Le Pen ayaa ku guulaysatey inay wareeggii koowaad hesho codad badan oo ay siiyeen codbixiyaasha Faransiiska.

Yeelkeede, Madaxwaynaha xilka haya ayaa wixii ka dambeeyey kor u kacay ilaa 11-15%, marka loo eego codbixintii wareeggii koowaad, taasoo uu Macron ku guuleystay 27.85% codadkii la dhiibtay, halka Le Pen ay heshay 23.15%.

Labadan siyaasi ayaa kud ka guur oo qanje u guur u ah Muslimiinta Faransiiska oo ah kuwa ugu badan galbeedka Yurub, waloow ay sii daran tahay Marine oo ballan qaadday inay xijaabka mamnuucayso.

Hadalsame Media