Maraykanka oo helay meel uu cillad ka gelin karo dayuuradaha Ruushka (Digniin ka timid Wakaaladda Duullimaadyada)

0

(Hadalsame) 23 Abriil 202– Hay’adda maamusha hawada qaranka ee Ruushka ayaa u sheegtay shirkadaha dayuuradaha dalkaasi in ay u diyaar garoobaan duulista diyaaradahooda iyaga oo aan ku tiirsanayn nidaamka hagitaanka Maraykanka ee Global Positioning System (GPS) ee ku salaysan dayax-gacmeedka, sida uu qoray wargeyska Izvestia Jimcihii.

Sida ku cad warqadda wargelinta ah ee kasoo baxday Rosaviatsia, oo ay aragtay jariidaddu, waxay ku amartay shirkadaha diyaaradaha ee qaranka inay u diyaar garoobaan sidii ay ula qabsan lahaayeen duulis GPS la’aan ah kaddib warbixin bishii Maarso ay soo saartay Hay’adda Badbaadada Duulimaadyada ee Midowga Yurub (EASA), taasoo ka digtey kororka kiisaska tashwiishka nidaamkan GPS ee dayuuradaha Ruushka iyo qaar kale wixii ka dambeeyey 24-kii Febraayo – waa maalintii uu Ruushku bilaabay duullaanka millateri ee Ukraine.

Cilladahan ayaa sida muuqata laga diiwaan geliyey meelo ay ka midka yihiin galbeedka Ruushka, gobolka Kaliningrad ee Ruushka hoos taga, badda Baaltigga, bariga Finland, Badda Madow, bariga Mediterranean-ka, Israel, Qubrus, Lubnaan, Suuriya, Turkiga iyo woqooyiga Iiraan.

Arrintan ayaa keentay in diyaaradaha qaar ay beddelaan jihada ay ku socdaan ama meesha ay ku sii jeedaan maadaama duuliyeyaashu ay awoodi waayeen inay si badbaado leh u dejiyaan diyaaradda GPS la’aantii, sida ay sheegayso EASA.

Dayuuradaha ayaa haddii ay GPS-ka cilladi ku timaado adeegsan kara 2 qaab oo kala ah; hannaanka loo yaqaan nidaamka hagitaanka neg (inertial navigation system) ee diyaaradda, iyo hannaanka kale ee ah in dhulka laga hago.

Bishii hore, Dmitry Rogozin, Madaxa Hay’adda Hawada Sare ee Ruushka, ayaa ka digey in Maraykanku uu Ruushka ka saari karo hannaanka GPS, isagoo ku baaqay in loo wareego midka u dhigma ee Glonass ee Ruushka.

Yeelkeede, dayuuradaha rakaabka rayidka ee uu Ruushku adeegsado ayaa u badan Boeing iyo Airbus oo Maraykan iyo EU kala sameeyaan, waxayna ku diyaarsan yihiin tiknolojiyadda GPS.

Hadalsame Media