Da’da ay dumarku ugu deggan yihiin ee nolol lala daadihiyo

0

(Hadalsame) 23 Abriil 2022 Hablaha 30-40 jirkaa Ogaada!! Habluhu waxa ay ugu caqli badanyihiin marka ay ku jiraan cumriga “Maa bayna salaasiin wa arbaciin (30-40 jirka).

Da’dan waa hayin, xasil, cagahana dhulka ku haya. Dib u dajin rasmiya ayey rabaan, oo gurigooda ayey IDP ku yihiin.

Waxa ay ka daaleen su’aasha islaamaha ee wali maad joogtaa? Ta asxaabta ee heblaayo wakhtibaa kugu socda?

Shukaansiga ragga cusub, telefankaaga ii sheeg & barashadooda. 40 wixii ka wayn miyaa, buuqa ayaa u bilaabma.

Waa xiliga ay da’da is diidsiiyaan, waxkastana isku dhereriyaan: Heblaayo waanu isleekayn, hebel wuu iga waynaa.

20 jir wixii ka yar waa caruur, ragga wixii 500GB maskaxdoodu tahay, ee buuq qaadi kara ayey ku soo baxayaan. 20-30 jirka wixii u dhexeeya calafkooda ayey eryadaan oo dhuumaalaysi la ciyaara.

Waa marka ay adeegsadaan siyaadadda “Kun ka hadli, Kow na ka raac”. Ma yaqaanaan waxa ay nolosha ka rabaan. Dhamaantood waxa ay raadinayaan:

Nin qurux badan, lacag haysta, wanaagsan, waxbartay, aan dumar kale eegin, naxariis badan, hooyaddii dhimatay, six pack ah, xarrago badan, daanyeer ah, wakhti haysta, caan ah.

Liis dheer ayey sitaan! Dookhaa ka hallaaba, kaddib kanna la eeg ayuu wakhtigu kaga dhacaa.

W; Q: Mustafe Baaruud

Hadalsame Media