Taliska Booliiska oo sheegay inaysan amrin weerarkii xalay lagu qaaday Wasiir Dibadeedka DF

0

(Gaalkacyo) 22 Abriil 2022 – Taliyaha qaybta booliska gobolka Mudug ee Puntland G/sare Muumin Cabdi Shire ayaa ka hadlay dhacdadii is rasaasayneed ee xalay ka dhacday magaalada Galkacyo, taasoo dhimasho iyo dhaawacba sababtay.

Taliyaha ayaa sheegay hal askari oo ciidanka PSF-ta ah oo ilaalo u ahaa Wasiirka Arrimaha Dibedda Soomaaliya in uu dhacdadaasi ku dhintay, dhaawucana uu yahay saddex ruux oo mid yahay taliye kuxigeenka qaybta booliska Cabdi Siciid Xuseen Koomaad, duqii hore ee Galkacyo Yaasiin Cabdisamad iyo askari booliska ka tirsan.

G/sare Muumin Cabdi Shire oo wareysi gaar ah siiyey VOA-da, wuxuu sheegay shaqaaqada dhimashada iyo dhaawaca sababatay in ay dhexmartay ciidanka booliska oo hawlgalkoodii roondo ku jira, uuna watay taliye kuxigeenku iyo illaalada wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya Cabdisiciid Muuse Cali, illaaladaasi oo ahayd ciidamada gaarka ah ee PSF-ta.

Goobta wax ka dhaceen oo ah beer uu leeyahay duqii hore ee Galkacyo nabaddoon Yaasiin Cabdisamad, xilliga wax dhacayeen waxaa ka socday afur iyo wada sheekaysi ay lahaayeen wasiirka iyo dad aan badayn oo la afurayey, waxaana ciidanka boolisku ay tageen beerta, iyagoo loo diiday in ay gudaha galaan, kadibna si lama filaan ah ayay rasaasi u dhacday sida uu sheegay taliyaha qaybtu.

“Ma jirin wax amar weerar ah ama mid hawlgal ah oo ciidamadu ay qabeen ama ay u socdeen, waxayna ahayd oo kaliya hubin beerta iyo waxa ka socda maadaama saacado ka hor dhacdadaasi guddiga amniga gobolku ay soosaareen amarro la xiriira in aan la qaban karin shirar siyaasadeed oo aan ogaal iyo ogalaansho ka haysan guddiga nabadgalyada” ayuu yiri taliye Muumin.

Muumin, waxaa kale oo uu sheegay xaqiiqo ahaanta goobtaasi in uusan ka socon wax shir ah, isku imaantinkaasina uu afur ku sinnaa, haddana ay socoto baarista sida wax u dhaceen, ayna ku hawlanyihiin guddi dawladdu u qabatay arrinkaasi.

Inkasta oo taliye Muumin Cabdi Shire uu meesha ka saaray in uu jiray wax ku talagal ah ama ujeeddo ciidan oo amran, haddana wasiirka arrimaha dibeddu wuxuu sheegay tallaabadaasi in ah ahayd mid ula kac ah oo isaga loola qasdiyey. Taas baddelkeedana guddoomiyaha gobolka Mudug ee Puntland Cabdiladiif Muuse Nuur oo hadda ah xildhibaan golaha shacabka ah ayaa wasiirka ku eedeeyey in uu masuul ka yahay waxa dhacay, dhibaatana uu ka abuuray gobolka.

Sikastaba ha noqotee xaaladda ayaa hadda ah mid deggan, waxaana socda dadaallo xal-raadineed iyo kuwo xog baaris oo qaddiyaddaasi ku saabsan.

Isha: Radio Daljir

Hadalsame Media