“Waxaan aragnay dhibkii dhacay” – Laba magaalo oo Sweden ah oo midina dacwaysey midna diiddey inuu yimaado ninkii Qur’aanka gubayey

0

(Hadalsame) 23 Abriil 2022 – Cunsuriga xag-jirka ah ee Rasmus Paludan ayaa rukhsad waydiistey si uu kulan isu soo bax ah ugu qabto magaalada Borås oo u dhow caasimadda 2-aad ee Sweden 29-ka Abriil oo ku beegan Jimce, balse waxaa codsigaa diidey booliis qaybeedka Galbeedka Sweden.

Marka laga soo tago khatarta iyo qiimaynta dhibka dhici kara, booliisku waxa ay sidoo kale farta ku fiiqayaan rabshadihii gacan ka hadalka watey ee dhacay usbuuc-dhammaadka fasaxa Easter-ka ee ka dhacay kulamadii Paludan.

“Waan aragnay sida ay dadweynuhu ugu ban-baxeen khatar aad u daran iyo in booliiskii la dhaawacay,” ayay tiri Emelie Kullmyr, oo ah madaxa shaqaalaha ee booliis qaybeedka Galbeedka, oo qabatay war-saxaafadeed.

Dhanka kale, Maamulka magaalada Malmö ayaa booliiska ku dacweeyey cunsuriga Rasmus Paludan kaddib markii uu bayaankiisa ku sheegay in “Muslimiintu halis ku yihiin bulshada”, taasoo loo arkay dembi ku salaysan nacayb bulsho, sida uu qorayo Sydsvenskan.

Yeelkeede, booliiska oo sidoo kale ay horay usoo gaareen dacwooyin ay ashkhaas ka gudbiyeen ninkan xag-jirka ah ee Rasmus Paludan ayaa go’aansaday in aan wax baaris ah lagu bilaabin Qur’aan gubidda.

Dowladda Sweden ayaa weli isku dayaysa inay ninkan ku difaacdo inuu ku dhaqmayo xuquuqda xorriyadda hadalka iyadoo taa bidaalkeeda eedaynaysa dadkii rabshadaha ku wajahey.

Hadalsame Media