”Waxaan haysataan 2 saacadood haddii aad nolol doonaysaan” – Ruushka oo digniintii u dambaysey u diray ciidanka ku jira Wershadda Azovstal ee Mariupol

0

(Mariupol) 19 Abriil 2022 – Dalka Ruushka ayaa goor dhowayd soo saaray digniin kama dambayn ah oo la siiyey Ciidanka Ukraine iyo kuwa shisheeyaha ah ee weli ku jira wershadda birta ee Azovstal oo ku taalla magaalada Mariupol kuwaasoo la faray inay dabka dhigaan muddo 2 saacadood gudohood ah oo is dhiibaan haddii ay nolol doonayaan.

Wasaaradda Gaashaandhigg Ruushka ayaa ugu baaqday ciidamadan inay kasoo baxaan wershadda birta inta u dhaxaysa 1400 iyo 1600 waqtiga Moscow (1100 iyo 1300 GMT) ‘iyaga oo aan sidan wax hub iyo rasaas ah’.

Cidiamada Ukraine ayaa horay dhowr mar u diidey soo jeedintan iyadoo ay Kyiv maanta sheegtay in duullaanka cusub ee uu Ruushku ka bilaabay bariga uu isna fashilmi doono maadaama aysan lahayn awood ay ku jiiraan furumaha Ukraine.

Wershadda Azovstal, oo ku fadhisa dhul dhan 11 kiiloomitir oo laba jibbaaran (in ka badan 4 mayl oo laba jibaaran) waa halka ugu wayn ee iska caabinta Ciidamda Ukraine ee Mariupol, oo ah magaalo xeebeed istiraatiiji ah oo ku taal Badda Azov.

Mariupol, oo ay ku hareeraysan yihiin Ciidamada Ruushka muddo toddobaadyo ah, ayaa la kullantay dagaalkii ugu qaraaraa iyo burburkii ugu ballaarnaa tan iyo markii Ruushku uu ciidamada u diray Ukraine 24-kii Febraayo.

Hadalsame Media