”Ololayn nooc cusub oo indha adayg ku dhisan ayaa Muqdisho ka bilaabatay”

0

(Muqdisho) 19 Abriil 2022 – Xaaladda aan xalay arkay dalkaan kuma sii jiri karo, wuxuuna u baahan yahay in culays badan oo jira laga fududeeyo sidda kaliya dalku isku furfuri karana waa doorasho uun.

Mid ka mid ah Hoteellada Muqdisho ayaan tagay markaan soo galay shaki waxuu iga galay inaan joogo Suuqa Cabdalla Shideeye ee Mobile celiska oo kuwa lasoo dhacay lagu iibiyo iyo Hotel aan ogaa 5 bilood kahor inay meeshu tahay dadka dhan waa taag taagan yihiin kursi malahan waa buuxaan xataa haddii aad kursi heshid meel aad dhigto mahelaysid meel walba qofbaa taagan.

Markaad soo gasho Hoteel waxaa kaa hor imaanaya gabdho iyo wiilal ay ka muuqato indho adayg iyo kalsooni u qaab eg shaqaalahii suuq gaynta shirkada ganacsigga waxay kaagga bilaabayaan ”ASC Xildhibaan miyaad tahay?”

Haa ama maya kaad ku jawaabto su’aasha ku xigta waa musharrax hebel baan wataaye ila dhis waxaana laguu sii raacinayaa magacaaga iyo Nambarkaaga qor waxaa la wataa buugaag waawayn oo loo yaqaan ”cash books” oo dadka lagu diwaan galinayaa.

Ciriiriga iyo jaamka halkaas ka jira neefta kugu dhagaysa waa suuragal in laga qaado xanuunno dadka indhahaagu qabanayaan waxaa ugu badan dhallinyaro dhowaan ka timaaday goballada, askar, siyaasiin waawayn iyo xildhibaano cusub.

Dhallinyarada aan xalay arkay qof walba dhahaya hebel ila dhis musharaxooda hadduu soo baxo horta waa halis wayn waayo waa CBB cusub aad u mayal adag suura galna ay ka tahay inay  xitaa isku ”qarxiyeen” qofkii ka aragti duwaanaada.

Bes ayay iga tahay ololeeye markuu yimaado Liido iyo Elite Hotel imaado isoo sheegaya waxaan wataa musharraxa Burka oo uu kuugu daro inuu ka mid yahay ”afarta ugu cadcad doorashada” ee haleyla dhiso.

Waxaa Qoray: Cabdinuur Wayrax

FG: Qoraal kasta wuxuu ka tarjumayaa aragtida qoraha ku saxiixan

Hadalsame Media