SUUQ CUSUB: Dalkii 2-aad ee ka tirsan Midowga Yurub oo soo dalbaday daroonnada Turkiga oo wacdaro ka dhigay dagaallo badan + Sawirro

0

(Hadalsame) 19 Abriil 2022 – Diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Turkiga oo lagu tijaabiyey dagaallo badan oo uu ka mid yahay midka Ukraine, ayaa u muuqda inay heleen macaamiil kale iyadoo Slovakia ay muujisay xiise ku saabsan inay noqon karto waddankii labaad ee xubin ka ah Midowga Yurub ee iibsada Bayraktar TB2.

Wasiirka Difaaca Slovakia, Jaro Nad, ayaa sheegay inay wadahadallo ku saabsan sidii loo ay dalkoodu u heli lahaayeen diyaaradahan dagaalka ee aan duuliyaha lahayn (UCAVs) ay meel wanaagsan marayaan.

“Waxay ka shaqaynaynaa u helitaanka diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee ciidamada Slovakia, wadahadalkuna horay ayuu u socdaa,” ayuu yiri Nad oo sidaa ku xaqiijiyey bartiisa Twitter-ka kaddib markii uu la kulmay Haluk Bayraktar, Maamulaha Guud ee shirkadda samaysa diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Turkiga, Baykar Makina.

“Wadahadal wanaagsan oo aan la yeelannay Mr Bayraktar oo ka socda Turkiga, iyo wadahadallo lala yeelanayo soo saareyaasha kale ee sameeya dayuuradaha aan duuliyaha lahayn ayaa socda.” ayuu ku yiri bartiisa Twitter-ka isagoo soo bandhigay moodal ah Bayraktar TB2 UCAV oo leh calaamadaha qaranka Slovakia ah.

Diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Drones-ka ah Turkigu sameeyo oo lagu tijaabiyey dagaallo badan ayaa awoodooda ku muujiyey Liibiya, Suuriya iyo colaadda Nagorno-Karabakh.

Turkiga ayaa sidoo kale Kiev ka iibiyey dhowr qaybood oo ah Bayraktar TB2 ah kuwaasoo dhibaatooyin waawayn u gaystey Ruushka.

TB2 ayaa waxaa sidoo kale isticmaala Ciidamada Qadar, Azerbaijan iyo Poland, oo bishii Maajo ee sanadkii hore noqotay dalkii 1-aad ee xubin ka wada ah Midowga Yurub iyo NATO ee iibsada daroonnada Turkey. Dalal badan oo kale ayaa xiise u muujinaya.

Hadalsame Media