Qiso ku dhacday gabar Nigerian ah oo cibro u ah dumarka Soomaalida ee kaligood dalxiiska aada (Qaybtii 2-aad)

0

(Hadalsame) 19 Abriil 2022 – Waxa uu bilaabay in uu iigu yeero “macaan” kaddibna waan baqay sababtoo ah qolku waa mugdi maadaama aan damiyey nalka k hor intaanan seexan. Markan, aad ayaan u baqayaa. Halkan ka aqri qaybtii 1-aad.

Waxaan waydiiyey ninkii “kumaad tahay?” Laakiin waxa uu ku celceliyay kelmaddii ahayd “macaan, macaan” . Waxa aan markale cod dheer ku waydiiyey su’aashii sababta oo ah waan xanaaqey kaddibna waxa uu si degdeg ah afka igaga qabtay gacantiisa isaga oo isku deyaya in aan kahortago inaan qayliyo.

Markan, aad ayaan u baqay maadaama aanan garanayn cidda uu qofkani yahay iyo sababta uu qolkayga ugu jiro. Waxyaabo badan ayaa isku mar madaxayga ka socdey. Waa kuma? Ma hub buu haystaa? Miyaa la igu kufsan doonaa oo laygu dhex dili doonaa anigoo jooga dhul qalaad maalintii dhalashadayda?

Sidee buu ninkani qolkayga kusoo galay? Miyaan u halgamaa noloshayda? Miyuu i kufsan doonaa oo igu tuuri doonaa badda qolkayga kasoo horjeedda? Miyaan u ogolaadaa inuu i kufsado si uu naftayda u badbaadiyo? Miyaan ordaa? Miyuu i eryan doonaa?

Yaa kale oo albaabkayga hor taagan? Ma kaligii baa? Mindi miyuu sitaa? Miyuu igu dhufan doonaa? Waxaas oo dhami madaxayga ayay ka dhacayeen, deeto ninkii waxa uu damcay in uu fal jinsi ah sameeyo oo i xoogo.

Halkaa marka ay marayso, waan baqay sababta oo ah ninku si xun ayuu u urayey taasina waxa ay ahayd waxa kaliya ee aan urinayey. Ma arki karin wejigiisa sidaas darteed waxaan bilaabay inaan taabto jirkiisa si aan u helo wax caddayn ah oo ku saabsan si aan hadhow u aqoonsado haddii aanba abid ka soo baxo qolkaygan aniga oo nool.

Aad ayaan u ooyey oo waxaan u baahday in aan raadiyo xeelad degdeg ah oo aan isaga mashquuliyo markaas ayaan bilaabay in aan ka baryo in uusan i kufsan balse ma uusan fahmin Ingiriisigii aan ku hadlayey isaga oo igula sii hadlaya luqadda Sawaaxiliga. Dabadeed waan u sheegay ”in aan qabo cudurka HIV” oo uu u baahan yahay in uu qaato kondhom kahor inta aanu ila seexan.

Ma uu fahmin kelmadihii aan ku iri laakiin isla markiiba uu maqlay magaca HIV, cabbaar ayuu yara hakaday.

Waxaan si degdeg ah damcay inaan ka faa’iidaysto fursadda oo aan ku ordo laakiin markaas ayuu bilaabay inuu qoorta iga ceejiyo. Aad ayaan ugu baqay noloshayda oo waxaan arkay noloshaydii oo idil oo sidii falaash horteeda uga muuqata.

Markaa waxaan sii waday inaan baryo oo u sheego inaan u oggolaan doono laakiin uu u baahan yahay inuu tago oo soo qaato cinjirka galmada si aanu u qaadin HIV. Waxa aan arkay in uu ka fal-celiyay kelmadda “HIV” sidaa awgeed waxa aan sii waday in aan ku celceliyo ”HIV’ aniga oo aad u ooyaya markan.

Waxaa Tarjumey: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media