4 nin oo loosoo qabtay kufsi ay u gaysteen masa-cagaleey naadir ah (Arrin khuraafi ah oo ku jirta)

0

(Hadalsame) 19 Abriil 2022 – Waaxda Kaynta ee gobolka Maharashtra ee Hindiya ayaa baaraysa kiis falal galmo aan caadi ahayn oo lagula kacay qoratada adduunka ugu waawayn oo ku sugnayd seeraha shabeelka Sahyadri Tiger Reserve (STR) ee Western Ghats dhowaan.

Dhacdadan ayaa soo shaac baxday kaddib markii ay saraakiishu xireen 4 nin oo lagu eedeeyay ugaarsi sharci darro ah oo ku salaysan muuqaallo laga soo qaaday kaamaro lagu rakibay seerada shabeelka.

Raggan oo lasoo qab qabtay min Abriil 1 ilaa Abriil 5, ayaa saraakiisha kaymuhu magacyadooda ku sheegeen Sandeep Pawar, Mangesh Kamtekar, Akshay Kamtekar iyo Ramesh Ghag, kuwaasoo wada deggan degmada Ratnagiri.

Clement Ben oo ah sarkaal ka tirsan Waaxda Ilaalinta Kaymaha ayaa sheegay in, “xilli ay baarayeen muuqaallada moobaylo ay nimanka ka qaadeen ay arkeen mid ragga ka mid ah oo kufsanaya abeeso cagaleeydan oo ah nooc aad u wayn oo dalal dhif ah ku nool sida Indonesia.

Wuxuu intaa raaciyey in dembi noocan ihi uusan horay usoo gaarin sidaa darteed ay ka fikirayaan inay raadiyaan talo bixin sharci oo ku saabsan qodobka Section 377 ee IPC.

Waxaa uu kale oo tilmaamay in booliisku rumaysan yihiin in falkani uu salka ku hayn karo caqiidooyin khuraafi ah.

Hadalsame Media