FALANQAYN QOTO DHEER: Sidee ayuu gantaalka R-360 Neptune ugu gooyey raadaarrada markabkii Moskva ee degey? + Sawirro howleed

0

(Hadalsame) 19 Abriil 2022 – 14-kii Abriil 2022, saraakiisha Ukraine iyo Wasaaradda Gaashaandhigga Maraykanka ayaa wada sheegay in markabkii quusay ee Moskva lala helay laba gantaal oo ah nooca lidka maraakiibta ee R-360 Neptune. Markabka ayaa la sheegay inuu la degey in ka badan 400 badmaax.

Gantaalka R-360 Neptune

Markabkii Moskva oo kasoo dagaallamay Georgia (2008), Crimea (2014), iyo Syria (2015) oo ah nooca qaada gantaalaha la hago ayaa howlgalay 1979-kii, waxaana uu Ruushkuba haystey 3 xabbo oo noocan ah:

Waa nooca loo yaqaan Slava-class iyadoo ay haatan usoo hareen 2 xabbo oo uu mid la yiraahdo Varyag joogo Badda Deggan ee Baasifigga, midna Badwaynta Qaboobaha ee Arctic Ocean kaasoo lagu samiyey Marshal Ustinov, halka Moskva uu diiq ka ahaa Black Sea. Wuxuu kasoo tegey saldhig badeedka Sevastopol isagoo duqaymo ka wadey Snake Island.

Haddaba su’aasha milyanka doollar ihi waa sidee gantaalka R-360 Neptune uu uga soo gudbey ama uga dhuuntay raadaarrada faraha badan ee markabkii Moskva?

Nebtune waxaa markii ugu horreeysey magaciisaba la maqlay 2015 iyadoo ay naqshadaysay shirkadda Luch Design Bureau ee dalka Ukraine 2014, halka Ciidamada Ukaine la siiyey sanadkii hore ee 2021 uun kaddib tijaabooyin ku socdey midn 2016 ilaa 2019, markii ugu horreeysey ee si rasmi ah dagaal loogu adeegsadana waxay ahayd 13-kii Abriil 2022 oo lala helay markabkii Moskva.

Sawir raadaar ah oo ku beegan 13-kii Abriil ayaa muujinaya markab u dhigma xajmiga Moskva, oo ku sugan meel qiyaastii 150 km koonfur ka xigta Odessa. Kaas oo ku dhex jira masaafada uu gaari karo gantaalka Neptune (280 km) ee laga soo ganay Odessa.

JEEDIN – Saraakiisha Ukraine ayaa sheegaya in markabkii Moskva ay ku mashquuliyeen daroonka Bayraktar kahor inta aysan jiho kale uga soo ridin gantaalaha Neptune. Daroonka ayaa lagu mashquuliyey raadaaradda kala gedisan ee markabka iyadoo deeto jihada kale looga soo ganay gantaalahan oo joog hoose ku socda.

Balse taa qur ihi micne samayn mayso waayo markabku wuxuu lahaa dhowr nooc oo raadaar ah oo sheey hal jiho uun joogaa ma sii jeedin karo kulligood.

Tusaale, raadaarrada Voskhod MR-800 iyo Fregat MR-710 oo ku xirnaa waxay labaduba wax ka arki karaan wareeg buuxa oo ah 360 digrii waana raadaarrada wax raadiya oo wax ka arki kara jiho kasta, balse raadaarrada wax raadiya waxqabadkoodu uma hufna sida raadaarrada eega bartilmaameedyada deg degga ah sida gantaalaha soo socda, dayuuradaha iwm ee loo yaqaan FCR.

Gantaalka R-360 Neptune oo la tijaabinayo

La soco qayb kale…

Waxaa Isku Duwey: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media