”Waa munaafaqnimo yaab leh” – Ilhaan Cumar oo iftiimisay ceeb uu Maraykanku dhex fadhiyo & warbaahinta Ruushka oo aad u hadal haysa

0

(Hadalsame) 18 Abriil 2022 – Ilhaan Cumar oo ah oo ka tirsan Aqalka Wakiillada ee Koongarayska Maraykanka, ayaa si cad u iftiimisay caqabad wayn oo ku imaan karta dadaalka Madaxwayne Joe Biden ee ah in Ruushka lagu soo oogo dacwado la xiriira dembiyo dagaal oo ka dhacay Ukraine: Washington xitaa ma ahan xubin ka tirsan Maxkamadda Caalamiga ah ee qaadi lahayd baaritaanka noocan ah.

Maxkamadda Caalamiga ah ee Dembiyada (ICC) ayaa si gaar ah loogu dhisay si ay u qaado dacwadaha waawayn ee ay ka mid yihiin dembiyada dagaalka sida xasuuqa, marka uu waddan ka gaabsado in uu baaritaan ku sameeyo gabood-fallo lagu soo eedeeyey muwaadiniintiisa.

Si kastaba ha ahaatee, sida Cumar, oo ah xubin ka tirsan Xisbiga Dimuqraadiga ee Biden, ay tilmaamayso, xitaa iyada oo Washington ay isku dayayso inay hoggaamiso dadaallada lagu ururinayo caddaymaha laga yaabo in loo gudbiyo ICC iyo Maxkamadda Caalamiga ah ee Cadaaladda, weli kuma biirin wadamada xubnaha ka ah ICC.

Maxkamadda oo lagu dhisay wax loo yaqaan Qaanuunkii Roma 1998-kii, ayuu Maraykanku wuxuu doortay inuusan ciidamadiisa milliteri hoos keenin awoodda ICC. Dhab ahaantii, Washington waxay xitaa ICC ku soo rogtay cunaqabatayn 2020-kii, sababtoo ah maxkamaddu waxay baaraysey dambiyo dagaal ee lagu eedeeyay Ciidamada Maraykanka ee Afgaanistaan.

“Waxay noqon lahayd munaafaqad la yaab leh in la taageero baaristaan ka dhan ah Ruushka iyadoo laga soo horjeedo jiritaanka Maxamadda lafteeda oo aan xubin laga ahayn,” ayay Cumar u sheegtay Business Insider. Waxay kaloo soo bandhigtay hindise sharciyeed Khamiistii hore si uu Maraykanku ugu biiro maxkamadda, iyadoo sheegtay in habka ugu wanaagsan ee lagu taageeri karo baaritaanka Ruushku ay tahay in lagu biiro hay’addan caalamiga ah ee fulin doonta baaritaanka.

“Waa caqabadda ugu wayn ee naga hortaagan inaan la xisaabtanno kali-talisyada daalimiinta ah sida Vladimir Putin oo kale,” ayay tiri Ilhaan Cumar iyadoo raacisay. “Waa waqtigii lagu biiri lahaa Hague.”

Maxkamada ICC oo fadhigeedu yahay magaalada Hague ayaa waxaa xubno ka ah 123 waddan. Ruushka, oo aan waligiis ansixin heshiiska, ayaa saxiixiisiina kala baxay Heshiiskii Roma 2016-kii, kaddib markii ay maxkamaddu ay qabsashadii Crimea ku ku sheegtay inay tahay qabsasho dhul dal kale. Shiinaha iyo Israa’iil ayaa sidoo kale diidey inay ku biiraan Maxkamadda Caalamiga ah ee ICC.

Warbaahinta Ruushka ayaa si wayn u hadal haysa arrintan ay Ilhaan ku qarxisey Maraykanka oo aalaaba jeediya siyaasad ku dhisan ”faqe isma waanshee wax buu waanshaa.”

Hadalsame Media