”Gabadhaasi waa xanuunsan tahay xaalad ay wax ku qori kartana kuma sugna” – Qoraal Baraha Bulshada lagu faafiyey oo la beeniyey

0

(Muqdisho) 18 Abriil 2022 – Waxaa tan iyo dabayaaqadii sanadkii tegey ee 2021-kii la sheegayaa inay xanuunsanayso gabar ka mid ahayd taageerayaasha ugu caansan ee kubbada cagta Muqdisho oo sidoo kale taageeri jirtey kooxo ay ka mid tahay Chelsea FC.

Gabadhan oo lagu magacaabo Foos Axmed Max’uud (Foos Chelsea) ayaa saaka waxaa baraha bulshada lasoo geliyey qoraal lagu sheegayo inay iyadu soo qortay oo ay ku sheegayso inay ilaa Oktoobar 2021 dhul yaal ahayd oo la sixray.

Ha yeeshee, weriyaha ciyaaraha ee Cabdullaahi Sulaymaan Baliil ayaa warkaas qayb ahaan beeniyey, waloow uu qiray inay haatan si aad ah u xanuunsan tahay wuxuu meesha ka saaray inayba qoraal soo qori karto amaba ay baraha bulshada isticmaasho.

Wuxuu qoraalkiisa ku bilaabay: ”Bil Ramadaan waaye Ilaah ka cabsigii malla hilmaamay qoraalka la wareejinaayo waa been abuur aan waxba ka jirin walaasheen Alaha caafiyo Foos Chelsea, ma isticmaasho Baraha Bulshada muddadii ay xanuunsanayd waayo xasuusteedu si fiican uma joogto,”

”Qof ayaa fikirkiisa cabiray wuxuuna ka dhigay sidii in Foos ay hadashay Soomaalideenna waa la iska wada qaatay iyadoo la hubsan.
”Qof iiga dhpwaa ma jirin xiriirka aan qoyskeeda la lahaa si aan xaalkeeda u ogaado isku xaafadna waa ahayn laakiin waayihii dambe xiriirkooda waan waayey gabar walaasheed ahayd oo aan xaalada ka wareysan jiray.

”Way soo hadashay iyo waxyaabahaasi waa been abuur gabadhu waa xanuunsan tahay dhimirka ayaa laga galay Allaha caafiyo balse beenta ka dhaafa masaakintaas.” ayuu soo jeediyey Baliil.

Hadalsame Media