”Runtii ma sahlana” – Ruushka oo qirtay meel ay reer Galbeedku ka qaniineen oo weli xanuunaysa (Dooddii Aqalka Duma ee maanta)

0

(Moscow) 18 Abriil 2022 – Dhaqaalaha Ruushka ayaa waxa uu galayaa xilli isbedel wayn lagu samaynayo si uu ula qabsado saamaynta cunaqabataynta culus ee ay Maraykanka iyo xulafadiisu saareen Moscow, ayay tiri Elvira Nabiullina, Madaxa Bangiga Dhexe ee dalkaasi, sida uu qorayo RT.

“Dhaqaalaheennu waxa uu gelayaa xilli adag oo isbeddel qaab-dhismeed ah kaasoo la xiriira cunaqabataynta. Sida aan sheegay, cunaqabatayntu waxay inta badan saamaysay suuqa maaliyadda, laakiin hadda waxay bilaabi doonaan inay si sii kordhaysa u saameeyso dhaqaalaha dalka, “ayay tiri Nabiullina, oo maanta goor dhow la hadlaysey Aqalka Hoose ee Duma.

Sida laga soo xigtey sarkaaladdan, Ruushku weli wuxuu leeyahay kayd uu ku taageero dhaqaalaha, laakiin ma awoodi doonaan inay taa sii ambaqaadaan muddo dheer, gaar ahaan markii ku dhowaad kala bar kaydkoodii maaliyadeed (qiyaastii $300 bilyan) lagu xayiray dibadda cunaqabataynta darteed.

“Mudadii uu dhaqaaluhu ku noolaan kari lahaa kayd waa dhammaatay. Haddana bilowga rubicii 3-aad ee sanad-maaliyadeedka, waxaan geli doonnaa isbeddel qaab dhismeed iyo raadinta qaabab cusub oo ganacsi.”ayay raacisay.

Yeelkeede, waxay ammaantay tillaabooyinka uu Ruushku horey u soo bandhigay si uu u taageero dhaqaalaha iyada oo ay jirto cunaqabatayntu, taasoo ay ku jirto u beddelashada nidaamkeeda maaliyadeed ee SPFS, kaddib markii dalka laga cayriyey hannaanka ay bankiyadu lacagaha iskugu diraan ee caalamiga ah ee SWIFT bishii Maarso.

“Markii halista in SWIFT nakala saaro ay ay soo baxday markii ugu horreysay 2014-kii, waxaan sameynay hannaanka bidaalka ah ee SPFS, oo u shaqeeysa si waafaqsan heerarka SWIFT. Hadda, 52 ururro ajnabi ah oo ka kala socda 12 waddan ayaa ku biiray adeegga SPFS.” ayay tiri.

Nabiullina waxa ay carrabka ku adkeysay in cunaqabatayntu ay Ruushka ka jartay inta badan dhaqaalihii kaydka ahaa,  sida dollarka Maraykanka iyo lacagta Euro-da, taasoo khasab ka dhigtay in Ruushka iyo dadka jaalka la ihi ay isla qaataan in lacag bixinta loo adeegsado lacagaha qaranka ee Ruushka iyo dalalkaasi, balse xaaladdu ma sahlana oo la qabsi adag ayay u baahan tahay, sida ay qiratay.

Tusaalem Hindiya iyo Ruushka ayaa ku heshiiyey inay wax ku kala iibsadaan Rubbi iyo Rubal.

Hadalsame Media