Turkiga oo noqday dalka qura ee abaal wayn u galay Ruushka markii gantaalka loo qariyey markabkii Moskva (Muxuu sameeyey?)

0

(Ankara) 17 Abriil 2022 – Wasiirka Gaashaandhigga Lithuania ayaa sheegay in markab laga leeyahay dalka Turkigu uu 54 badmaax ka soo daadgureeyey markabkii quusay ee Moskva, kaddib markii ay ku dhaceen gantaalaha lidka maraakiibta ee Ukraine.

Markabka Ruushka ah ayaa soo diray qayladhaan murugo leh habeenkii, Arvydas Anusauskas ayaa ku yiri Facebook. “Saacaddu markay ahayd 1.14 saq dhexe kaddib ayuu markabku dhinaca u jiifsaday, nus saac ka bacdi waxaa damey korontadii oo dhan, laga bilaabo 2-dii saq dhexe kaddib, markab Turkigu leeyahay ayaa wuxuu ka soo daadgureeyay 54 badmaaxiin ah, abbaarihii 3-dii ayayna Turkiga iyo Romania soo weriyeen in markabka Ruushku uu gebi ahaanba quusay, inkastoo ay saarnaayeen 485 shaqaale ah (oo 66 ka mid ihi ay ahaayeen saraakiil),” ayuu yiri Anusauskas.

Gelinkii dambe ee Arbacadii, Maksym Marchenko, oo ah Madaxa Maamulka millateriga gobolka Odessa ee Ukraine, ayaa ku sheegay Telegram in Moskva lagu garaacay laba gantaal oo ah nooca lidka maraakiibta ee Neptune oo yaalley meel aanu ka filaynin markabku, waloow uu lahaa raadaar casri ah.

“Gantaalka Neptune ee ilaaliya Badda Madow ayaa waxa uu waxyeello aad u wayn u geystey markabka Ruushka. Ukraine Ha Noolaato!” Ayuu ku yiri qoraalkiisa. Waxa uu sidoo kale sheegay in ay markabka saarnaayeen shaqaale iyo ciidan lagu qiyaasay 510 kuwaasoo ay reer Galbeedku horay u sheegeen inay wada dhinteen.

Hadalsame Media