”Inta aad la egtihiin iyo dhibkiinnu islama eka!” – Maraykanka oo u gar dhiganaya kana eed sheeganaya Somalia

0

(Hadalsame) 17 Abriil 2022 – Galabnimo Jimce ah, oo ku beegneyd 8 Oktoober, 1976, waxaa ku kulmay New York (USA), laba wafti oo kala matalaayay dawladdaha Soomaaliya iyo Maraykanka. Labada dhinac waxa kala hoggaaminaayay Henry Kissenger, Xoghayihii Arrimaha Debedda ee xilligii Madaxweyne Gerald Ford; iyo Xuseen Cabdulqaadir Qaasim (AUN), Wasiirkii Macdanta iyo Biyaha, isla markaana xiligaas ahaa Sii Hayaha Wasiirka Arrimaha Debedda ee Soomaaliya. Labada wafti guud ahaan, gaar ahaan labadaas mas’uul, waxa dhex maray wadahadal xoog u adag, oo aan waxba la isu dhimin, wax na la isu dhaafin. Dublamaasiyiintu marka aanay idacaadaha la hadlaynin ee gudaha la isla galo, hadallada la qurxiyo bartaas baa la iska dhigaa oo la isu badheedhaa.

Qaasim iyo Kissinger

Arintu waxay aheyd mid dhinac kastaaba uu danihiisa difaacanayay; Maraykanku in ay Itoobiya u garbinayaan ma qarsanin; Soomaalidu na in ay taas ogyihiin ma qarsanin. Hadal-qoraalkii kulankaas oo Dawladda Maraykan ay waa dambe faafisay ayaan marar dhawr ah akhriyay, mar kasta na aniga oo xiisaynaaya sidii war igu cusub oo kale, ayaa aan u akhriyaa. Waxa ay ila noqotay in aan qoralkaas turjumo, si dad badani u ogaadaan in ay jireen mas’uuliyiin (dublamaasiyiin) Soomaaliyeed oo ajnabiga fahmi karaayay, jawaab munaasib ah na bixin karaayay iyaka oo isku kalsoon.

Xasuusnow, dublamaasiyaddu ma aha in aad af-ingiriis ku hadli kartid, taas beddelkeeda, xitaa haddii aanad af-ingiriis aqoonin, waxa muhiim ah in aad si wacan u garanayso danaha iyo waddankaagu waxa uu doonaayo, waxa waddamada kale doonayaan, iyo meelaha ay labadaas doonisood ka kulmi karaan, meelaha aanay ka kulmi karin, iyo haddii ba ay suurtagal tahay in aad danaha kulansiiso. Muhiimadda ugu wayn ee dublamaasiyiintu, haddii uu safiir yahay iyo haddii uu wasiir yahay ba, taas weeye. Waa in aad cid kasta saaxiib la ahaatid intii suurtagal ah, haddana aanad cidna aaminin. Waa in aad taada wadatid.

Waa waddan walalaheen ah amaba saaxiibkeen ah ma jirto. Saaxiibbada iyo cadowga waa in aad isku si uga feejignaatid. Taas weeye dublamaasiyaddu, waana taas midda ay dawladuhu ku macaamilaan.

Fiiro gaar ah: kulanka aan ka hadlayno ee masuuliyiintan dhex maray, intiisa badan waxa looga hadlay qaddiyaddii waagaas taagnayd ee u dhexaysay Itoobiyaanka iyo Soomaalida, taas oo xilligaas wax yar uun ka dib isu bedashay dagaal buuxay. Boogaadinta aan kor ku muujiyay marnaba qiimayn ma u aha sidii ay masuuliyiintii Soomaalida ee waagaasi guud ahaan u maamuleen amuurtaas, ee ay uga fikireen amaba u qiimeeyeen sida caalamku u arki karaayay go’aamadii Soomaalidu qaadatay amaba xilliyadaas qaadan doontay. Qiimaynta noocaas ahi ha noqoto maalin kale, laakiin hadda waxa keliya ee aan qiimeeyay, oo heer sare na iila muuqday, tayada dublamaasiyadda  Xuseen Qaasim, iyo sida isku kalsoonida leh ee uu ugu jilib-dhigay Henry Kissenger oo ahaa dublamaasi aad looga dambayn jiray masraxa siyaasadda ee caalamiga ah; ilaa maantadan na wali la hadal hayo isaga oo in ka badan 40 sanadood shaqada ka sii maqan. Isku kalsoonida qofka Soomaaliga ah oo waxoogay aqoon iyo waxoogay miyir amaba deganaansho ah lagu kabo, oo caadifadda na laga yareeyo, wax badan ayay qaban kartaa. Aan idiin kala baxo dooddii nimankaas dhex martay waagaas.

Hadal-qoraalka wadahadalkii Qaasim iyo Kissinger

Ka qayb galayaasha kulanka – dhinaca Soomaaliya: Xuseen C. Qaasim, Wasiirka Macdanta iyo Biyaha; Cabdilaahi Caddow, Safiirkii Soomaalida ee Washington DC joogay;  Cabdiraxmaan Jaamac Barre, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Debedda, Maxamed Maxamuud, Qusulka Safaaradda Soomaalida.

Dhinaca Maraykanka: Henry Kissinger, Xoghayaha Arrimaha Debedda. Philip Habib, Ku xigaha Xoghayaha Arrimaha Debedda ee dhinaca Siyaasadda. Talcott W. Seelye, kaaliyaha Ku Xigaha Xoghayaha, Iyo Frank Wisner, oo ah hadal-qoraha shirka.

Taariikhda: Oktoober 8, 1976; Wakhtiga: 3:45 p.m; Goobta: Guriga Xoghaye Kissinger ee Waldorf Astoria, New York.

Kissinger: Xilka ah ‘Sii hayaha Wasiirka Khaarajiga’ muxuu ka dhiganyahay?

Qaasim: Waxa aan ahay Wasiirka Macdanta iyo Biyaha, ha yeeshee dawladdayda waxa aan ku matalay tiro shirar caalami ah.

Caddow: Waaqic ahaan waa Wasiirka Arrimaha Debedda.

Kissinger: New York ilaa hadma ayaa joogtay?

Qaasim: Laba toddobaad iyo siyaado. Dhawr maalmood gudahood waddankii baa ku laaban doonaa, dhexda in aan ku sii hakado na waa suurowdaa.

Kissinger: Waxa ay u muuqataa in aad go’aansatayba in aad dhexda ku sii hakatid.

Qaasim: Waxa aan isku dayaa in aan danaha waddankayga ka shaqeeyo, waxanan hawsha qabtaa aniga oo aan wax siyaado ah iyo madadaalo ku darin.

Kissinger: Buuq aad uga badan inta uu samayn lahaa waddan sidiina oo kale meel-dhexaad ahi ayaa samaysaan oo wararka xoog baa ugu jirtaan.

Qaasim: Mar kasta waxa ay ku xidhantahay dhinaca dabayshu ay u dhacayso. Ma anakaa wararka is keenayna, mise kuwa abuuraaya duruufaha nagu kalifaaya in aannu talaabo qaadno ayaa noogu wacan?

Kissinger: Adba waa i dareemi kartaa marka aan xaalad abuur ahay ee iska doonaayo in wararka la igu soo qaado.

Caddow: Goor kasta wararka waa ku jirtaa oo saxaafadda ayaa si dhow kuula socota.

Kissinger: Waa sidee heerka cilaaqaadka labadeena waddan?

Qaasim: In aan taas wax ka idhaahdo ayaan jecelahay. Waxa aan qabaa in ay jirto fursad cilaaqaadka lagu sii wanaajin karaa.

Kissinger: Waa kugu raacsanahay.

Qaasim: Haa, waxa jirta fursad cilaaqaadka lagu sii wanaajin karo. Qoddob fiican baad sheegtay xilligii qadada. Afrika waa soo fahmaysaa.

Kissinger: Wax badan baan ka bartay Afrika intii aan siyaasadaheeda daawanaayay. Laakiin idinku Soomaali ahaan waa qalafsantihiin. Taas ma uga jeedo dhaliil, waxa aan se ka wadaa idinku siyaasadda gudaha si daran baa u ciyaartaan.

Qaasim: Sida ay nala tahay uun baanu warkayaga u sheegnaa.

Kissinger: Ma qabo waddamada Afrika in ay wadar ahaan col noola yihiin, laakiin kolka aad eegtid dhaqdhaqaaqa Dawladda Soomaalida, waa adkaanaysaa in lagu tilmaamo waddan ka mid ah kuwa siyaasaddoodu dhexdhexaadka tahay. Inta badan waa naga hor jeedsataan kolka arimaha caalamiga ah ay timaaddo, mar kastana anaku ma qaldanaan karno. Sidaas ma u shaqeeyo xeer-xisaabeedka celcelis ku. (Fiiro gaar ah: Kissinger halkan waxa uu Dawladda Soomaalida ku eedaynayaa in iyada oo siyaasad ahaan sheegta in ay ka mid tahay waddamadii qunyar-socodka ahaa ee loo yaqaanay Waddamada Dhexdhexaadka ah, kuwaas oo aan kala raacsanayn labadii isbahaysi ee waagaas ay Ruush iyo Maraykan kala hoggaamin jireen, haddana ay u dhaqanto sida waddamada Ruushka sida cad u raacsan, ee mar kasta iyo xaalad kastaba danaha Maraykan ka hor jeeday.)

Halkan ka sii akhriso: Kulankii Qaasim iyo Kissinger!

FG: Qoraalkan waxaa bilowgii daabacay Wardheer News

Tarjumiddii: M. Haaruun
Email: mbiixi@gmail.com

Hadalsame Media