“Waxaan hadda kaddib la dagaallamaynaa NATO” – Ruushka oo sheegay inuu bilowday Dagaalkii 3-aad ee Adduunka (Daawo)

0

(Moscow) 17 Abriil 2022 – Duullaanka soconaya ee Ukraine waxa uu isu rogey dagaalkii 3-aad ee Adduunka, sida uu yiri Telefishin laga leeyahay dalka Ruushka oo warkaa shaaca ka qaaday kaddib markii markab dagaal oo Ruushku leeyahay oo lagu magacaabo Moskva uu ku degey Badda Madow, markii 2 gantaal lagu gaaday.

Soo-jeediyaha warka ayaa tiri, “Qofku wuxuu si hubanti leh xaaladdan ugu yeeri karaa waxa u xuub siibatey oo ah Dagaalkii Saddexaad ee Adduunka. Taasi waa hubaal. Hadda, waxaan xaqiiqdii la dagaallamaynaa kaabayaasha NATO, haddii aynaanba la dagaallamayn NATO lafteeda. Waxaan u baahan nahay inaan aqoonsanno taas.” Ayay tiri tebiye Presenter Olga Skabeyeva oo ka tirsan hilinna Rossiya 1.

Kaddib markii laba gantaal oo ah nooca Neptune ee Ukraine ay ciidankoodu ku garaaceen 529-badmaax oo saarnaa Moskva, ayuu markabka dagaal degey.

Si kastaba ha ahaatee se, Ruushka ayaa beeniyey sheegashadaas, wuxuuna sheegay in markabka Moskva, calan-sidihii Badda Madow, ay soo gaartey waxyeello ka dhalatay dab shil ah iyo rasaas qaraxdey.

 

Hadalsame Media