Pakistan oo mar qura weerar ku qaaday Afghanistan & Daalibaan oo digniin culus dirtay

0

(Hadalsame) 17 Abriil 2022 – Ugu yaraan 45 qof oo rayid ah oo ay ku jiraan haween iyo carruur ayaa ku dhintay duqeymo cirka ah iyo madaafiic ay ciidamada Pakistan ku garaaceen xadka ay la wadaagto dalka Afgaanistaan, sida ay sheegeen saraakiil maxali ah oo Daalibaan ah.

Weerarradan ayaa saqdii dhexe laga fuliyey gobolka Khost ee bariga Afgaanistaan ​​iyo gobolka Kunar oo dhaca xadka labada dal ee deriska ah.

Gobolka Khost, ugu yaraan 40 qof oo rayid ah ayaa lagu dilay 20 kalena waa lagu dhaawacay kaddib markii diyaarado ay xalay duqeeyeen afar tuulo oo ka tirsan Degmada Seperah, sida uu sheegay sarkaal ka tirsan Daalibaan oo diidey in magaciisa la xigto.

Dhibanayaasha ayaa ah dad rayid ah oo ka soo jeeda saddex qoys oo ka soo haajirey gobolka ay dariska yihiin ee Pakistaan ​​ee Waziristan kaddib howlgal ay ciidamadu halkaas ka sameeyeen dhowr sano kahor, sida uu sarkaalku hadalkiisa ku sheegay.

29 qof ayaa ka soo jeedey hal qoys, sida uu yiri. Magaalada Kunar, ciidamada Pakistan ayaa saddexdii maalmood ee la soo dhaafay waxa ay aaggaas ku garaacayeen madaafiic culus gaar ahaan degmooyinka Marwara, Shelton iyo Nari, sida uu Ku-simaha Madaxa Gobolka ee Waaxda Warfaafinta iyo Dhaqanka ee Taliban Najibullah Hanif u sheegay Wakaalad Wareedka Jarmanka ee DPA.

Shan qof oo rayid ah, oo ay ku jiraan carruur, ayaa lagu diley weerarradaasi, mid kalena wuu ku dhaawacmay, sida uu sheegay. Islamabad ma aysan xaqiijin in ay iyadu fulisey weerarrada iyo in kale.

Jimcihii, 7 askari oo Pakistani ah ayaa gaadmo lagu laayey gobolka qabaliga ah ee North Waziristan. RW Pakistan ee dhowaangalka ah ee Shehbaz Sharif ayaa xilligaa ka digey inay aargudan doonaan.

Kooxda xag-jirka ah ee Tehreek-e-Taliban Pakistan (TTP), oo ah malliishiiyaad xiriir dhow la leh Daalibaanta Afgaanistaan ayaa ka gaalaa baxda xadadka u dhexeeya labada dal.

Wasaarad Dibadeedka Imaaradda Islaamiga ah ee Daalibaan ayaa u yeertey Danjiraha Pakistan ee Kabul iyadoo ka digtey in tillaabooyinka caynkan ihi ay xumayn karaan xiriirka labada dal.

Tillaabadan ayaa imanaysa iyadoo uu dhowaan uun xilka ka degey Imran Khan oo u garab jilicsanaa Daalibaanka, iyadoo tuuristiisa ay u duceeyeen reer Galbeedka oo uu woxoogaa ku madax adaygay.

Hadalsame Media

Facebook Comments