Taangiyo aan la filaynin oo kusoo biiray dagaalka Ruushka & Ukraine (Hal su’aal oo la is waydiinayo)

0

(Donetsk) 17 Abriil 2022 – Waxaa sii adkaanaya dagaalka Ukraine oo ay Ciidamada Ruushku filayeen inay muddo kooban kusoo afjari karaan, kaddib markii ay ugu magac dareen ”Howlgal Gaar ah.”

Waxaa haatan dagaalka soo galay taangiyadii Dagaalkii 2-aad ee Adduunka kaasoo aad muddo dheer la adeegsanin, gaar ahaan gobolka Bari oo uu haatan Ruushku u kala qaybiyey Lugansk iyo Donetsk.

Fallaagada Donetsk iyo Lugansk ayaa waxay ku guulaysteen inay dib u hawlgeliyaan taangiyadan oo u nugul dagaalka maadaama aan xilligoodii la joogin, balse uu malaha dagaalka qaraari uu mar kale naftii kusii celiyey.

Waxay taangiyadan qaadiimiga ihi kala yihiin; SU-122, T-34/76, IS-2 oo mar kale dib loo kiciyey. Taangidan ayay qaarkood maxtafyo yaalleen, waxaase la is waydiinayaa halka lagu hayey rasaasta ay qaataan taangiyadan oo aan dagaal gelin 77 sanadood.

Hadalsame Media