Afrika oo hadal haysa meel ay Somalia uga ”wanaagsan tahay” dalal aan abid dagaal ka dhicin

0

(Muqdisho) 17 Abriil 2022 – Dalka Somalia ayaan ka bixin qaaquullooyin siyaasadeed oo mararka qaarkood aan xitaa micne samaynaynin, marka la eego waxa laga dhiidhiyey iyo bidaalka la dhex galayo ee kasii dhib badan kii hore.

Yeelkeede, saas oo ay tahay waxaa jira dad Somalia ku cowrya meelaha qaarkood, waloow ay dad badani aaminsan yihiin in waxa noo saxan ay ka badan yihiin waxa naga khaldan, iyadoo tusaale ahaan Somalia oo khayraad badan lihi ay 70 sano oo ay xor ahayd ku nooshahay sadaqo caalami ah iyo yaboohsi.

Bogga African Index ayaa sameeyey qoraal kooban oo uu ku amaanayo sida ay Somalia u leedahay kaabayaal muhim ah oo kaba fiican dalal aan abidkood dagaal gelin, tiiyoo uu sheegay inay Somalia aysan lahayn dowlad dhexe tan iyo 1991-kii.

”Waa dad leh hal abuur ganacsi.” ayuu raaciyey.

Si kastaba, waloow ay dhibaato kastaahi wanaag leedahay misna wax badan oo ay Somalia ku faani kartaa ma jiraan, waana in aan amaan sadxi ah iyo is moodsiinnada noocan ah inta run la moodo la is dhigane waa in dalka dhiiqada laga saaraa.

Hadalsame Media