”Haddii aad nolol rabtaan isa soo dhiiba!” – Ruushka oo u dhow guushii ugu waynayd tan iyo bilowgii dagaalka Ukraine

0

(Mariupol) 17 Abriil 2022 – Wasaaradda Difaaca Ruushka ayaa ugu baaqday Ciidamada Ukraine ee haray ee ku go’doonsan wershad birta ah oo ku taal magaalada xeebta ah ee Mariupol, inay hubka dhigaan, iyagoo siinaya dammaanad amni, haddii ay aqbalaan soo jeedintan oo ay joojiyaan dhammaan dagaalka maanta oo Axad ah.

“Iyadoo la tixgelinayo xaaladda masiibada ah ee wershadda birta shubta ee Azovstal, oo ay na hagayaan mabaadi’da bini’aadminnimadu, Ciidamada Qalabka Sida ee Ruushku waxay bixinayaan fursad ay siinayaan dagaalyahannada guutooyinka xag-jirka ah iyo calooshood u shaqeystayaasha ajnabiga ah si ay u joojiyaan dagaalka hubkana u dhigaan laga bilaabo 6-dii subaxnimo waqtiga Moscow Abriil 17, 2022,” sida ay sheegtay Wasaaradda Gaashaandhigga Ruushku.

“Dhammaan qofkii hubka iska dhiga waxaa la siinayaa damaanad ammaan si uu usii noolaado.” ayay tiri Wasaaraddu.

Horraantii Sabtigii, Moscow waxay daaha ka qaadday qiyaasta tirooyinka khasaaraha soo gaarey Ciidamada Ukraine, iyadoo sheegtay in magaalada Mariupol oo keliya, ay Kiev ay ku lumisay in ka badan 4,000 oo dagaalyahanno ah, oo ay ku jiraan “calooshood u shaqeystayaal ajnabi ah” iyo kooxaha Nazi-ga.

Russian ultimatum for the last remaining Ukrainian troops holding out in the besieged port city of Mariupol to surrender has passed, as Moscow edged closer to full control of the city in what would be its biggest capture

Ugu dambayntii Ruushka ayaa ku dhawaaqay in Ciidamadii Ukraine ee ku haray magaalada Mariupol ee go’doonsani ay isku soo dhiibaan muddo gaaban, iyadoo Moscow ay ku dhowdahay inay si buuxda gacanta ugu wada dhigto magaalada, taasoo noqonaysa qabsashadii ugu waynayd tan iyo bilowgii duullaanka Ukraine dabayaaqadii bishii Febraayo.

Ciidamada Ukraine ayaa se diidey soo jeedinta Ruushka oo iyagoo wacad ku maray inay dagaallamayaan ilaa uu ka dhinto kooda ugu dambeeya.

Hadalsame Media

Facebook Comments