Ruushka oo si yaab leh ugu aaray markabkii Moskva ee shalay degey & digniin hor leh (Daawo)

0

(Moscow) 15 Abriil 2022 – Ruushka ayaa xalay duqeeyey wrrshad ku taal Kyiv, taasoo ay ku andacoonayaan inay sameeyeen gantaalladii lagu tuuray markabkii quusay ee Moskva, xilli Kremlin-ka uu wacad ku maray inuu kordhin doono weerarrada ka dhanka ah caasimadda Ukraine.

Qaraxyo culus ayaa xalay laga maqlay magaalada Kyiv kahor inta aysan Wasaaradda Gaashaandhigga ee Ruushku aysan sheegin goor hore oo maanta ah in ay burburiyeen wershadda ‘Vizar’ ee sameysa gantaallada lidka maraakiibta iyo iyo kuwo kale oo ay isticmaalaan Ukraine.

Weerarkan ayaa yimid maalin uun kaddib markii markabka Moskva – oo ah calan-sidihii maraakiibta Badda Madow ee Ruushka – uu quusay goortii uu dab qabsadsiiyey qarax ay Ukraine sheegtay inuu ka dhashay markii lagu toogtay laba gantaal oo nooca loo yaqaan Cruise-ka. Moscow waxay sheegtay oo kaliya in sababta ‘la baarayo’.

Dhanka kale, Madaxwayne Zelensky, oo qaranka khudbad u jeediyay habeenkii Khamiistii, ayaa dadkiisa ku ammaanay geesinimada reer Ukraine ee iska caabbinaya duullaanka Ruushka muddo 50 maalmood ah.

Wasaaradda difaaca ee Ruushka ayaa ka digtay horraanta Jimcahan in ay kordhin doonto weerarrada ka dhanka ah Kyiv maalmaha soo socda, taasoo jawaab u ah duqaymaha Ukraine ay ku hayso dhulka Ruushka, sida ay sheegtay.

Tuulo ku taal xuduudka Ruushku uu la wadaago Belarus, oo saldhig millateri ay ku leeyihiin, ayaa la weeraray Khamiistii – kaddib markii ay qaraxyo ka dhaceen goob rasaasta lagu kaydiyo iyo xarun saliideed oo ku taal Belgorod, oo ku taal meel saldhig tareen u dhow.

Sawirro laga soo qaaday Belgorod saacadihii hore ee Jimcahan ayaa iyana muujinaya muuqaallada gantaallada lidka diyaaradaha oo cirka ku jira, taas oo muujinaysa in weerarro cusubi ay socdaan.

Halkan ka DAAWO…

Hadalsame Media