Midowga Yurub oo si qarsoodi ah u qaaday tillaabo ka dhan ah Ruushka (Heshiis ay burburiyeen)

0

(Brussels) 15 Abriil 2022 – Kaddib baaqii ka soo yeerey Poland iyo dalalka Baltic-ga, Midowga Yurub ayaa si aamusan oo hoose u tirtiray qorshe ay soo saarayaasha hubka Midowga Yurub ay ganacsi kula sameeynayeen Ruushka, Reuters ayaa sidaa werisay Khamiistii iyadoo soo xiganeysa saraakiil aan la magacaabin.

Brussels ayaa waxay haatan xannibtay u dhoofinta hubka iyo rasaasta ee Ruushka Luulyo 2014, iyadoo daliishanaysa “xuf-goosigii Ruushka” ee Crimea – Jasiirad u eke uu Ruushku dib u qaatay kaddib markii ay reer Galbeedku taageereen dibedbaxyadii Maidan.

Si kastaba ha ahaatee, qodob ku jira xayiraaddaasi ayaa oggolaanayey iibka qandaraasyadii la saxiixay kahor Agoosto 2014-kii.

Sharikaadka hubka sameeya ee Faransiiska iyo Jarmanku waxay ka faa’iidaysteen “gal-daloolkaas sharciga ah,” sida ay Reuters ku tilmaantay, si ay u helaan malaayiin Euro, iyadoo soo xiganeysa Guddiga Maamul ee Midowga Yurub.

Hay’addu waxay sheegtay in dalalka xubnaha ka ah Midowga Yurub ay Moscow ka iibiyeen hub ku kacay 39 milyan oo Euro oo u dhiganta ($42.3 milyan oo doollar) oo hub iyo rasaas ah sannadkii 2021-kii, taasoo ka badan 25 milyan oo Euro sannadkii kasii horreeyey ee 2020-kii, taasoo ay Reuters sheegtay inay la mid tahay sannadihii kasii horreeyey.

Yeelkeede, ma ahayn ilaa usbuucii hore in dowladaha EU ay ku heshiiyaan in la baabi’iyo qodobkaa dhaafitaanka ah, kaddib “dhaleecayn cusub” oo ka timid wadamadii Soofiyeedka la ologga ahaa sida Poland iyo Lithuania, sida ay qabaan “diblomaasiyiintii ka soo qayb galay kulanka” lakiin magacooda qariyey.

Intan oo qura ma ahane EU ayaa sidoo kale dayactirka hubka Ruushka ee ay haystaan dalal ka tirsan NATO kasoo iibsada Ruushka, iyagoo haatan hub Ruush-samee ah u diray Ukraine sida gantaalaha S-300 oo laga keenay Slovakia, waloow markiiba ay Ruushku burburiyeen kahor intii aanba la shidin hannaankaas.

Hadalsame Media