Nin si kas ah gabar gaari u jiirsiiyey oo gacanta lagu soo dhigay (Wixii dhex maray + Muuqaal)

0

(New Jersey) 15 Abriil 2022 – Waxay ahayd xaalad naxdin wayn lahayd markii uu nin darawal ihi uu si isdaba joog ah uu qof dumar ah gaarigiisa ugu jiirsiiyey jidka kaddib markii ay is af dhaafeen.

Vincent Jean, oo 56-jir ah, ayaa dhibbanaha oo ah gabar 23-jir ah 2 jeer dul mariyey gaarigiisa oo ah Mitsubishi SUV magaalada Elizabeth, New Jersey.

Goobjoogayaashii ayaa iyagoo naxsan ku qaylinayey ninka markii uu inta gaariga gadaal u qaaday kaddibna uu mar 2-aad dul maray.

Haweeneydan oo aan magaceeda la sheegin ayaa si mucjiso ah uga badbaadey weerarkaasi oo aysan ku dhiman, waxaana hadda lagu daweynayaa isbitaal waloow xaaladeeda caafimaad ay aad u liidato.

Labadan qof ayaa la sheegay inay jidka isku qabsadeen kaddib markii uu khalad ka galay gabadha oo gaari kale wadatey kaasoo la sheegay inuu ku dhacay.

Jean ayaa deeto holliyey inuu goobta ka baxsado, balse waxaa la sheegay in gabadhu lasoo baxday kaamiro oo ay sawirro ka qaadday gaarigiisa, waxaana deeto bilowday dagaalka iyadoo mar xitaa la arkayey isagoo gaariga qaab reefis ah ugu cayrinaya gabadha intii aanay ku hor ordin.

Ninkan ayaa markii uu gabadha jiiray goobta ka baxsaday balse waxaa soo qabtay ciidamada ammaanka waxaana ku oogan eedaymo kala ah isku day dil darajada 1-aad ah iyo waxyeellayn gaari oo darajada 3-aad ah, sida uu sheegay dacwad ooge William Daniel.

Jean oo lasoo qabtay isagoo kaligii dhex fadhiya gaarigiisa, haatanna ku jira Union County Jail, ayaa sidoo kale ku eedaysan darajada 2-aad ee weerar loo adeegsadey hub halis ah, darajada 3-aad oo ah in gaari wax lagu weeraro, darajada 3-aad ee ah in goob shil laga cararo iyadoo uu jiro dhaawac jireed oo halis ah, darajada 3-aad ee dhaawacidda qof iyo darajada 3-aad ee haysiga hub sharci darro ah.

Halkan ka DAAWO….

 

 

Hadalsame Media