Qaar ka mid ah xildhibaannada oo dib u dhigtay inay dhaartaan & ujeed WAYN oo ku jira

0

(Muqdisho) 15 Abriil 2022 – Waxaa shalay la dhaariyey Xildhibaannada 11-aad ee Baarlamanka DF marka laga reebo tiro yar oo weli ka harsan oo aan lasoo duuranin, balse laba kamid ah afarta taliye ee xukunta Ciidamada Qalabka Sida ayaa ka mid ah Aqalka Hoose ama Golaha Shacabka ee Baarlamaanka 11-aad.

Waxay kala yihiin Yaasiin Cabdullaahi Farey oo ah Taliyaha KMG ah ee Hay’adda NISA iyo Mahad Cabdiraxmaan Aadan, Taliyaha Ciidamada Asluubta Soomaaliyeed, kuwaasoo laga soo kala doortay Galmudug iyo Koonfur Galbeed.

Yeelkeede, labadan nin ayaan shalay ku biirin dhaartii ay sameeyeen Xildhibaannadu, ujeedkuna waa inay kusii fadhiyaan xilalkoodii hore.

Labada nin ayuu mid tegey goobtii shahaado qaadashada waana Taliye Yaasiin Farey, yeelkeede, markii uu qaatay shahaadada xildhibaanka ma uusan tegin munaasabaddii dhaarta xildhibaannada, halka Taliyaha Asluubta ee Mahad Cabdiraxmaan uusan isagu weli qaadan shahaadada dhan dhaarba ha joogtee.

UJEEDKA – Labadan sarkaal ayaa haddii ay dhaartaan si rasmi ah u waayaya xilalkooda ay haatan ku magacaaban yihiin, maadaama qofka xildhibaanka ah aan loo ogalayn xil ka hooseeya Wasiir Federaal, waloow taa lafteeda ay tahay in meesha laga saaro.

Waxaa kasii daran Yaasiin Farey oo aah caadiyan ahayn Taliye balse ah Agaasime ayaa waxaa uu hoos tagaa Wasaaradda Ammaanka, mana ka mid aha taliyeyaasha uu tooska u magacaabi karo Madaxwaynuhu, balse maadaama uu ku dhow yahay MW Farmaajo waxaa lagu qanciyey inuu dib isu dhigo si aysan taasi fursad u siinin RW Rooble oo ay is khilaafsan yihiin uu keeno bedelkiisa.

Dhanka kale, arrintan ayaa waxay keenaysaa inay is diidaan labada danood ee amniga iyo sharci-dejinta oo ah laba hay’adood oo ay tahay inay isla xisaabtamaan, in ilaa heerkan la iskugu qasana waa arrin u baahan in uu ka degsan yahay xeer hoosaas iyo sharci cad.

Hadalsame Media