XOG: Ruushka oo doonaya inuu burburiyo agabka iyo ciidanka 100,000 oo Ukraine ah (Tawaangidii ugu badnayd oo la dumayo)

0

(Moscow) 15 Abriil 2022 – Saraakiisha Ruushka ayaa ku dhawaaqay weerar culus oo uu ku qaadayo bariga Ukraine.

Ujeedada howlgalka ayaa noqon doonta in jeebka lagu shubto lana burburiyo 100,000 oo askari oo reer Ukraine oo ka dagaallamaya bariga dalkaasi.

Waxay jebin doontaa laf dhabarta ciidamada Ukraine oo cududdooda iskugu geeyey bariga waxayna fududayn doontaa howlgallo dheeraad ah.

Qaar ka mid ah taliyeyaasha maxalliga ah ee Ukraine ayaa sheegaya in weerarka lagu dhawaaqay uu mar hore bilowday. Ubucda weerarku waxa ay noqon doontaa weerar ay ka qaybgelayaan taangiyadii ugu badnaa gaar ahaan noocyada T-72B3 iyo T-80U, sawirka halkan ku yaal.

Hadalsame Media