“Haddii aad NATO ku biirtaan waxaad la noolaanaysaan nukliyeer!” – Ruushka oo digniintii ugu cuslayd u diray Sweden & Finland

0

(Mowscow) 14 Abriil 2022 – Xulafada ugu dhow ee Madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin, ayaa uga digey NATO in haddii Sweden iyo Finland ay ku biiraan xulafada millteri ee uu hoggaamiyo Maraykanku, markaas Russia ay hubka nukliyeerka iyo gantaalaha guuxooda ka dheereeya ay dhigi doonto gobolka Kliningrad oo ku yaal wadnaha Yurub.

Finland, oo xuduud dhan 1,300km (810-mayl) la wadaagta Ruushka, iyo Sweden ayaa ka fikiraya inay ku biiraan xulafada NATO isla xagaagan.

Dmitry Medvedev, oo ah Guddoomiye Xigeenka Golaha Ammaanka ee Ruushka, ayaa sheegay in, haddii Sweden iyo Finland ay ku biiraan NATO, markaas Ruushku uu xoojinayo ciidankiisa dhulka, badda iyo cirka ee Badda Baltic.

Medvedev ayaa sidoo kale si cad u sheegay  nukliyeerka ugu gooddiyey maanta isagoo sheegay in aysan jiri karin hadal dambe oo ku saabsan “Baaltigga oo bilaa nukliyeer ahaada”, halkaas oo uu Ruushku ku leeyahay Gobolka Kaliningrad oo u dhexeeya dalalka Poland iyo Lithuania.

“Ma jiri doono hadal dambe oo ku saabsan in Badda Baaltiggu nukliyeer ka caaganaato – waa in dheelitirka awoodeed la soo celiyaa,” ayuu yiri Medvedev, oo ahaa Madaxweynaha Ruushka 2008 ilaa 2012.

Medvedev waxa uu sidoo kale sheegay in uu rajaynayo in Finland iyo Sweden ay caqliga kaashan doonaan.

“Haddaysan sidaa yeelin,” ayuu yiri “Waa inay ku noolaadaan gantaalo nukliyeer ah oo ku callaqan meel u dhow dalalkooda.”

Hadalsame Media