Maxaad mudan doontaa hadda kaddib marka aad UK iska dhiibto?!

0

(London) 15 Abriil 2022 – Dowladda UK ayaa Dalka Rwanda la gaartay heshiis dhibaato iyo culeys ku ah qaxootiga imaanaya UK.

Xoghayaha arimaha Gudaha UK Priti Patel oo asal ahaan Hindi ah isla markaana ku sifowda naceybka ay u qabto dadka mahaajiriinta ah ee imaanayo UK ayaa Dowladda Rwanda la saxiixatay heshiis ah in dadka qaxootiga ee iska dhiibo UK loo wareejiyo dalka Rwanda ee bartmaha Africa, si halkaasi ay noloshooda ugu sii wataan.

Qorshahan oo la filaya in dhowaan uu bilowdo ayaa waxa uu saameynayaa dhammaan qaxootiga UK ka soo gala dalalka kale ee Yurub.

Patel waxa a sheegteen in dowladda UK ay bixineyso mudo 5 sano ah kharashka dadkasi ku baxayo inta ay joogaan Rwanda.

Shalay oo kaliya boqortooyada UK waxaa soo galay 600 qof oo dooni kaga soo talaabay xad badeedka u dhaxeeyo UK iyo France.

Taas micnaheeda waxaa waayay hada kadib qofka UK galo iyo kuwa hadda ku sugan gudaha UK ee jawaab sugayaasha in loo soo xawil doono gudaha Rwanda.

W; D: Cabdiqani Cali Dalmar

Hadalsame Media