”Waxaa ka dhalanaysa cawaaqib aan la saadaalin karin!” – Ruushka oo si toos ah ugu hanjabey Maraykanka (Farriin rasmi ah oo uu u diray)

0

(Moscow) 15 Abriil 2022 – Ruushka ayaa si rasmi ah uga cowday hubka uu Maraykanku ku daabulayo Ukraine, isagoo u diray farriin diblomaasi ah oo uu mariyey Waaxda Arrimaha Dibedda Maraykanka oo uu uga digey “cawaaqib aan la saadaalin karin” haddii ay sii wadaan arrintaas, sida ay CNN u sheegeen 2 sarkaal oo Maraykan ah iyo il kale oo dokumentiga aragtay.

Farriintan, oo diblomaasi ahaan loo yaqaan demarche, ayaa waxaa la diray horraantii todobaadkan taasoo ka dhigan Isniin ama Talaado waxaana lagu beegay xilli uu Maraykanku diyaarinayey inuu $800 milyan oo doollar oo kaalmo millateri ah u diro Ukraine. Washington Post ayaa markii 1-aad dokumentiga baahisay.

Maraykanka ayaa markii ugu horreeysey ogolaaday inuu Kyiv siiyo noocyada hub ee awoodaha sare leh taasoo ay qaar ka mid ah saraakiisha maamulka Biden ay dhowr toddobaad kahor u arkayeen mid xaaladda cirka kusii shareeraysar, kuwaasoo ay ku jiraan 11 xabbo oo ah dayuuradaha Mi-17 ee helikobterka ah, 18 xabbo oo ah howsarka 155 mm Hooitzer iyo 300 oo kale oo ah nooca loo yaqaan ‘Switchblade drones’ oo ah daroon sidii bambo loo adeegsado.

Illo xog ogaal ah oo u dhuun daloola qoraalka diblamaasiyadeed ee Ruushka ayaa sheegay in la filayo in Moscow ay ka dhiidhin doonto shixnadahan hubka ah, ilaa haddana ma cadda in ay la micno tahay in Ruushku uu si uun u beddeli doono dhaqankiisa. Laakiin qofkani waxa uu qiray in qoraalkani uu muujin karo mowqif aad u adag oo Ruushku ka qaadan karo Maraykanka iyo NATO haddii uu dagaalku sii socdo.

CNN ayaa horay u baahiyey in Maraykanku uu rumaysan yahay in MW Vladimir Putin uu dulqaadku kasii dhamaanayo taasoo keeni karta inuu tillaabooyin hujuumi ah ka qaado taageerada Maraykanka ee Ukraine.

Dad badan ayaa rumaysan in haddii uu dagaalkani sii jiitamo uu u xuub siiban karo mid caalami ah ama Dagaal 3-aad oo nukliyeer ah.

Hadalsame Media