NATO oo ay kusoo wajahan tahay jug culus oo wax u dhimi doonta cududdeeda howlgal

0

(Paris) 14 Abriil 2022 – Musharaxa madaxtinnimada Faransiiska ee midigta fog, Marine Le Pen, ayaa ballanqaaday, in haddii ay ku guulaysato doorashada, ay dalkaa ka saarayso Taliska Millrtari ee Isku-dhafka ah ee NATO iyo inay ka shaqeynayso “isku soo dhlwaanshaha istiraatiijiyadeed” ee u dhexeeya xulafada NATO iyo Ruushka.

Waxa ay sheegtay in ay jeclaan lahayd “in ay meesha ka saarto wax kasta oo isfaham la’aan ah,” Le Pen ayaa sharaxday in ujeedadeedu tahay inay ku soo noqoto siyaasaddii Faransiiska intii u dhaxaysay 1966 iyo 2009-kii, markaasoo Faransiisku aanu ku lug lahayn arrimaha millateri ee NATO, laakiin uu weli qayb ahaa qaab-dhismeedka siyaasadeed ee xulafadan.

Musharraxa Madaxweynaha ayaa kasii afeefatay dhaleeceynta suurtagalka ah ee hadalladeeda, iyada oo sheegay in mowqifka noocan oo kale ah ee xubinnimada NATO uusan “sinaba uga dhignayn isu dhiibidda Moscow” laakiin taa bidaalkeeda ay ka hor degeyso in aysan dhigin ciidamada Faransiiska ama hubka dalkaasi midkoodna talis shisheeye, ha ahaado NATO ama mid ay mustaqbalka Yurub samaysatee.

Iyadoo sidaas leh, waxay misna ku nuuxnuuxsatay in Faransiiska uu inta ay madaxweyne ka tahay uu sii ahaan doono mid ay ka go’an tahay ilaalinta iyo dhowraarinta danaha amniga wadajirka ah iyo qodobka 5-aad ee heshiiska Waqooyiga Atlaantigga ee dhigaya u gurmadka dalalka xubnaha ka ah NATO, iyadoo diiradda saari doonta in la sameeyo dib u hagaajin istaraatiji ah oo ku fooggan xiriirka NATO iyo Ruushka marka uu dhammaado dagaalka Ukraine oo heshiis la gaaro.

France’s withdrawal from the military command would represent a serious blow for NATO as the country, which rejoined the bloc’s military structures in 2009, represents its third-largest military force and its fourth-largest defense budget.

Ka bixitaanka Faransiiska ee taliska dhexe ee millateriga waxay u taagan tahay dharbaaxo culus oo ku dhacday NATO maadaama dalka Faransiiska oo dib ugu biiray qaab dhismeedkaasi ururka 2009-kii, uu ka dhigan yahay ciidankeeda saddexaad ee ugu ballaaran kaddib Maraykanka iyo Turkiga iyo miisaaniyadeeda afaraad ee ugu wayn.

Hadalsame Media