Arrin maanta kasoo korodhay maxkamadaynta Madaxwaynihii hore ee DDS (Nin kale oo barwo loo jaray)

0

(Hadalsame) 14 Abriil 2022 – Dhegeysiga dacwadda ku socota Madaxwaynihii hore ee degaanka Soomaalida, Cabdi Maxamuud Cumar, ayaa mar kale dib loo dhigay.

Tillaabadan ayaa la qaaday kaddib markii uu tarjumaankiisu maxkamadda iman waayey maanta uu jirey dhegeysi kale.

Maxkamadda Sare ee Dowladda Federaalka Itoobiya, ayaa dhanka kale barwo u jartay oo amartay in lasoo xiro Cabdillaahi Raabbi oo ahaa wariye ka tirsanaan jirey warbaahinta Dowladda Ethiopia sidoo kalena ahaa turjumaanka u af naqa  Cabdi Maxamud Cumar xilliga dhegeysiga dacwadda.

Lama sharrixin in lagu haysto ka maqnaanshiyaha dhegeysigii maanta oo sida cad aanu sii sheegin iyo inay eedo kale ku fooggan yihiin.

Madaxwaynihii hore ee Degaanka Soomaalida ayaa dhlwr jeer ka clwday in dhagaysiga maxkamadayntiisa dib loo dhigay sababo ku xiriirsan tarjumaanka oo maqnaada.

Cabdi Iley ayaa loo haystaa tacaddiyo tiro badan oo uu kula kacay dadka Soomaaliyeed ee haatan hoos taga nidaamka Itoobiya, isagoo sidoo kale dhibaatooyin ka gaystey xitaa dhulka xorta ah ee Somalia.

Hadalsame Media