“Warkeenna ha u qaadanina fikrad iska caadi ah!” – Wasaarad Dibadeedka Ruushka oo markale u digtey Sweden & Finland

0

(Moscow) 13 Abriil 2022 – Ruushka ayaa dhaleeceeyay eedeymaha loo soo jeediyay ee ah in uu khatar ku yahay Sweden iyo Finland xilli ay dalalkaani si lama filaan ah oo deg deg ah u doonayaan in ay ku biiraan NATO.

Hogaamiyayaasha wadamadan Woqooyiga Yurub ayaa dhowaan muujiyay u guuxitaan ay ku doonayaan in ay galaan xulafada Maraykanka hogaamiyo kaddib weerarkii millateri ee Moscow ee Ukraine.

“Sheegashooyinkan [eedda ah inuu Ruushku halis ammaan ku yahay] waa kuwo aan caqli-gal ahayn. Kuma salaysna xaqiiqooyin. Waxay ku jiraan xayndaabka dacaayadda iyo daandaansiga. Waxay ka soo horjeedaan danaha qaranka ee isla dalalkaasi,” ayay tiri Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Ruushka, Maria Zakharova, oo u warrantay Radio Sputnik.

“Waxaan aaminsan ahay inay khalad tahay in hadalladan iyo bayaankeenna loo arko ra’yi madaxbannaan, oo iska caadi ah,” ayay raacisay.

Talaadadii Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Sweden, Ann Linde, ayaa u sheegtay warfidiyeenka iyadoo booqanaysa Bosnia-Herzegovina in Ruushku u hanjabayo Sweden iyo Finland taasina ay tahay mid aan la aqbali karin.

“Muwaadiniinteennu waa in ay qaataan go’aanno amni oo iyaga u gaar ah.” ayay tiri, iyada oo tusmaysay in Stockholm ay ka fikirayso inay xubin ka noqoto Gaashaanbuurtan millteriga ah ee reer Galbeedka.

Zakharova ayaa ku doodaysa in siyaasiyiinta Scandinavian-ka ee u ololeeya ku biirista NATO aysan u adeegin danaha dadkooda balse ay u adeegaan danaha Maraykanka.

Tiiyoo laga duulayo tillaabada millateri ee Moscow ee Ukraine, Ra’iisul Wasaaraha Finland, Sanna Marin, ayaa sidoo kale sheegtay in la joogo waqtigii dib loo eegi lahaa heerka dhexdhexaadnimada ee Finland.

Waxay ballanqaaday in baarlamaanka dalkaasi uu toddobaadka soo socda ka doodi doono xubinnimada NATO oo la sheegay in ay iman karto isla xagaagan, balse Ruushka oo si cad u diiddan in Finland oo deris la ihi ku biirto balooggaas ayaa durba gantaalo guuxooda ka dheereeya ku jeediyey dalkaasi.

Hadalsame Media