Koobka Adduunka oo Kenya imanaya & halka qof ee gacantiisa saari kara (Maxaadan ogayn?)

0

(Nairobi) 13 Abriil 2022 – Koobka Adduunka ee FIFA ayaa bisha soo aaddan soo gaaraya dalka Kenya, iyadoo koobkan oo uu culeyskiisu dhan yahay 6.1 kilogiram oo leh 18-karat oo dahab ah lagu soo bandhigi doono magaalada Nairobi ee dalka Kenya 26-ka iyo 27-ka Maajo.

Shir jaraa’id oo uu qabtay Madaxweyne Xigeenka shirkadda Coca-Cola ee bariga iyo bartamaha Afrika, Debra Mallowah, ayaa ay ku xaqiijisay in Kenya ay ka mid tahay dalal dhowr ah oo loo soo xulay inay ka qaybgalaan safarka koobka.

Waxaa xusid mudan in Koobka Adduunku uu imanayo Kenya jeer uu dalkaasi ka ganaaxan yahay ciyaaraha caalamiga ah ee kubadda cagta, faragelin ay dowladdu xiriirka ku samaysay darteed, sida ay FIFA ku eedaysay.

Sida uu dhigayo sharciga FIFA, dadka kaliya ee loo ogol yahay inay gacmahooda saaraan Koobka Adduunka waa ciyaartooyda ku guulaysatey iyo Madaxda dalalka, iyadoo uu koobku ka samaysan yahay dahab rasmi ah oo adag iyo dheeman ku wareegsan waxaana uu muujinayaa laba qofood oo sare u haya caalamka.

Naqshadda uu ilaa hadda wato waxaa la sameeyey waqti ku beegan 1974-kii. Koobkan oo ka ka mid ah calaamadaha isboorti ee ugu caansan adduunka xulna ma qaadan karo oo waxaa uu markasta ku jirayaa gacanta FIFA, iyadoo xulka ku guulaysta sanad gudihii lagu siinayo koob koobbi ah oo aan dahab ahayn.

Hadalsame Media