Farriimo ku socda Xildhibaannada berri la dhaarinayo oo tuhun ammaan dhaliyey (Arag wax khaldan)

0

(Muqdisho) 13 Abriil 2022 – Dood iyo shaki amni ayaa ka dhashay farriimo lagu soo daabacay Baraha Bulshada ay ku leeyihiin Aqalka Sare iyo Golaha Shacabka.

Farriimaha lasoo dhigay degelladan oo Xildhibaanada iyo Senatarrada lagu oggeysiinayey xog la xiriirta agaasinka dhaarta berri loo madlan yahay ayaa dood dhalisay.

Sida ku cad qorraallada labada Xoghaye ay ku saxiixan yihiin waxaa ku jira macluumaad u baahnaa in amni ahaan loo qariyo oo aan bulshada lala wadaagin.

Dadka qaar ayaa ku doodaya inaan loo baahneyn in la baahiyo xog la xiriirta in Xildhibaanada iyo Sanatarrada si shaaric ah loogu sheeggo halka ay imaanayaan, xilliga ay imanayaan iyo in gaadiidkooda iyo istaafkoodaba lagu reebayo meel hebla.

Taasi waxay muujineysa inay dhinac kale xog siineyso sida qaar ka mid ah dadka farriimahan ka dareen celiyay ay qabaan.

Dad ayaa soo jeediyey inay habbooneyd in si gaar ah xubnaha la dhaarinayo loogu diro farriimo khaas ah oo loogu sheegayo xogaha xasaasiga ah.

Taa biddaalkeedana la baahin karey oo kaliya wargelin guud oo la xiriirta inay berri dhaartu dhacayso, maadaam xubnaha la dhaarinayo ay yihiin dhammaan inta is diiwaangelisay oo laga hayo macluumad shaqsi ah meelaha iyo lagala la xiriiri karo.

W; D: Max’ed Cabdi

Hadalsame Media

Facebook Comments