War yaab leh oo kasoo kordhay is rasaasayntii ka dhacday gudaha Xabsiga Wayn ee Hargaysa + Video

0

(Hargaysa) 13 Abriil 2022 – Waxaa lasoo sheegayaa in ay is rasaasayni ka socoto Xabsiga Wayn ee magaalada Hargaysa iyadoo rasaasta la maqlayo balse aan weli lasoo helin cidda isku haysata goobta.

Sida uu sheegayo hilinka Horncable TV waxaa is rasaasayntan ku dhaawacmay ciidan ka tirsan kuwii ilaalada Xabsiga, iyadoo dadwaynaha loogu baaqayo inay ka fogaadaan goobtaasi.

MAXAA CUSUB? Wararka soo baxaya ayaa sheegaya in is rasaasayntu ay salka ku hayso maxaabiis gadoodsan oo bannaanka usoo baxday, iyadoo ay halkaa gaareen unugo ka tirsan Ciidamada Gaarka ah ee RRU, iyo ciidamada Booliska iyo kuwa Asluubta oo gurmad ah.

Waxaa muuqata inay goobta xitaa soo gaareen ciidamo ka tirsan kuwa Koofiyo Casta ah ee millateriga oo wata gawaari tikniko ah, taasoo laga garan karo qarada xaaladda.

Yeelkeede, waxa qura ee halkaa kasoo kordhay waa in la xirxirey dhammaanba warbaahintii halkaa gaadhey iyadoo kaamarooyinkii iyo agabkii ay wax ku duubayeen laga qaatay hilinka Horncable TV.

Waxaa sidoo kale la sheegay in halkaa lagu xirey weriyeyaal iskugu jira wiilal iyo gabdho oo uu ku jiro weriye Xasan Galaydh, iyadoo xitaa laga urursaday telefoonnadii gacanta halka qaar kale ay goobta iskaga carareen.

Maamulka Somaliland ayaa sidoo kale xabsiga dhigay inta badan wariyayaashii tebinayey rasaastii laga maqlay gudaha xabsiga Hargaysa.

Weriyeyaasha ilaa hada la xaqiijiyey in iyana la xirey ayaa kala ah: Maxamed ilig, Sagal mustafa, iyo Naciimo Cabdi Axmed, halka kuwo kalena weli la baadigoobayo.

Madaxbannaanida warbaahinta ayaa ka mid ah waxyaabaha asaasiga u ah ummad xor ah, iyadoo nidaamyada looga fadhiyo inay la diriraan khaladaadka iyo mushkiladaha jira ee aanay ku mashquulin aamusinta dadka ka hadlaya.

Hadalsame Media