WAR CUSUB: Ruushka oo gantaalaha guur guura ee K-300P ku callaqay dalka Finland + Sawirro (Meesha la dhigay & barilmaameedka)

0

(Moscow) 13 Abriil 2022 – Wasaaradda Difaaca ee Ruushka ayaa soo dirtay ugu yaraan laba nooc oo ah gantaalaha K-300P Bastion-P [oo ay NATO u taqaan magaca SS-C-5 Stooge] oo ah nidaamyada gantaalaha difaaca xeebaha ee guurguura meel u dhow xadka ay la wadaagto Finland.

Warkan ayaa waxaa markii ugu horreeysey faafiyay jariirada Daily Mail ee ka soo baxda dalka Ingiriiska, taasoo qaybisay muuqaal muujinaya gantaalaha oo la arkayey iyagoo ku sii jeeda xuduudka dalka Finland.

Hal batari oo hannaankan ihi wuxuu ka kooban yahay laba baabuur oo culus oo sida – K-300P Bastion-P iyo baabuur leh barta laga dab rido nidaamkan iyo raadaar.

Hannaanka gantaalaha xeebaha Ruushka ee Bastion-P ayaa isticmaala gantaalaha guuxooda ka dheereeya ee SS-N-26 Strobile [P-800 Oniks], kaas oo xawaare ahaan ku dhowaad 3 jeer guuxiisa ka dheereeya waxna ka dili kara gacan dhan 600 km.

Tusaale, masaafada ay magaalada Ruushka ee Vyborg ama Svetogorsk [Gobolka Leningrad], oo ku taal xuduudka Finland ay u jirto caasimadda Helsinki ayaa ah in ka yar 600 km.

Shalay, Abriil 12, Sanna Marin, Ra’iisul Wasaaraha Finland, ayaa ku dhawaaqday in dooda ku saabsan in Finland ay ku biirto NATO ay dhammaan doonto dhowaan [dhammaadka xagaaga, sida ay sheegtay Marin].

Kaliya 12 bilood kahor, 59 boqolkiiba dadka Finnishka ah ayaa waxay u tixgeliyeen Ruushka “khatar millteri oo wayn”, halka maanta ay boqolleeydu tahay 84%.

Diridda labada batari ee gantaalaha xeebaha ayaa u muuqata inay tahay jawaabta Moscow ee hadalka Sanna Marin. Dmitry Peskov, oo ah Afhayeenka Kremlin-ka, ayaa isla shalay sheegay in tallaabadan ay qaddo Finland [ku biirista NATO] aysan sinaba u hagaajin doonin xaaladda Yurub.

Hadalsame Media