Shiinaha oo Muqdisho kusoo bandhigay tartan wejiga candhuuf uga tufaya madaxbannaanida Somalia (Aydholojiyad halis ah oo la xayaysiinayo)

0

(Muqdisho) 13 Abriil 2022 – Safaaradda Shiinaha ee magaalada Muqdisho ayaa soo bandhigtay wax ay ku sheegtay tartan ku saabsan maqaallo iyo sawirro oo ay ku qabanayso caasimadda Muqdisho.

Yeelkeede, tartankani waa mid lagu xayaysiinayo nidaamka Shuuciga ah ee uu Shiinuhu ku dhaqmo oo ay Somalia horay ugu jabtay kaddib markii iyadoo aan laga fikirin dhaqanka iyo diinta ummadda dusha uun laga saaray.

”Moowduuca laga hadlayo oo ku saabsan Xisbiga Shuuciga ah ee Shiinaha (CPC) iyo aragtida Waa Cusub oo aan Ujeedo, waa tartan ku saabsan maqaallo iyo sawirro bilaabanaya. Saaxiibbada Somalia oo nooc walba leh ayaa lagu soo dhowaynayaa ka qaybgalka oo abaalmarinno lagu siinayo dadka guulaysta. Nagusoo biira.” ayaa lagu yiri qoraal ay faafisay Safaaradda Shiinuhu.

Waxaa kasii daran in waxyaabaha wax laga qorayo aysan xitaa ahayn mawaadiic guud oo ku saabsan Shuuciyadda, ama xitaa taariikhda labada dal ee Shiinaha iyo Somalia iyo sida ay dadku u arkaane si gaar ah looga hadlayo mawaadiic dadka lagu barayo Xisbiga CPC sida:

1 – Guulaha taariikhiga ah ee Xisbiga CPC iyadoo uu hoggaaminayo Jaalle Xi Jimping (MW Shiinaha);

2 – Talo ku saabsan nidaamka xukun ee Xisbiga CPC iyo axsaabta kale ee Afrika;

3 – Waxa laga filayo Kal-fadhiga 20-aad ee Qaranka ee Xisbiga CPC (Sidii inay Somalia tahay gobol ka tirsan Shiinaha).

Arrintan ayaa ah dhaqan-xumo diblomaasiyadeed iyo quursi ku aaddan Somalia, hannaankeeda dowladeed iyo inaan nahay dal ka geddisan kana madaxbannaan Shiinaha iyo hannaankiisa siyaasadeed.

Arrintan oo kale ayay tahay in Safaaradda si toos ah loogala hadlo, loogana digo inay wax noocan oo kale ummadda usoo bandhigto, islamarkaana waa in tartankan gebi ahaanba la joojiyaa ama moowduuca la bedelaa wax u qalma Soomaalida ama wada khuseeyn kara Soomaalida iyo Shiinaha.

Hadalsame Media