Qaabka uu MW u wajahey Ciidamada Qalabka Sida oo qiil u noqotay dad weligood diidanaa in ciidanka la dhiso

0

(Hadalsame) 12 Abriil 2022 – Farmaajo ciidan ma dhisin waa uu burburiyay.

Ciidanku qoryo boobayaal ah oo la siiyo, darays loo xiro iyo mushaar la siiyo ciidan ku ma noqdo. Haddii intaas ciidan lagu noqon lahaa calooshood-u-shaqaystayaashuba ciidan qarab bau noqon lahaayeen. Sidaa oo kale Shabaab baa ayaguna ciidan qaran oo hay’bad leh noqon lahaa.

Ciidan waxa uu ciidan qoran noqdaa marka uu yahay ciidan sharciga iyo xeerarka dalku hago ee aan ahayn bodyguards iyo guulwadayaal hadba qofka madaxtooyada fadhiyaa leeyahay.

Ciidan waxa uu ciidan qaran yahay marka uu siyaasadda bannaanka ka joogo oo uu iska la wayn yahay kana xishoodo in uu noqdo aalad kursi lagu raadsado ama kursi lagu ilaalsado. Ciidan waa in uu dhexdhexaad ka yahay lagdanka siyaasadda.

Farmaajo intaas oo dhan waa uu burburiyay waxa uu na samaysyay dhawr horimood oo uu ciidan qaran ku sheegay balse aan summad iyo sawrac qaran midna lahayn. Ka sokow in ay ilaalo Farmaajo noqdeen halkii ay ilaalo qaran ka noqon lahaayeen, shan sano waa ciidanka aan hal degmo Shabaab ka xorayn tu ayaga laga qabsado maahane.

Waxaa intaas ka sii daran, Farmaajo waxa uu sii fogeeyay dad badan oo ku doodaya in Soomaaliya ama Soomaalidu aysan ciidan xoog leh yeelan karin cunaqabaynta hubka adduunku saarayna aan laga qaadin karin tan iyo inta la helayo dawlad Soomaaliyeed oo qaangaadh ah, yacni dawlad sharci ku shaqaysta oo shakhsi caaddifaddiis ku shaqayn.

Dadka doodaan qabaa waxa ay rumaysan yihiin ayada oo aan la helin dawlad mas’uuliyad qaadi karta aan ciidan xoog leh la dhiso karin, waayo ciidankaas waxaa loo adeegsan karaa siyo qaldan oo halis ah taas oo dalka dagaal sokeeye ku celin karta.

Farmaajo dadka dooddaas qabay buu dooddoodi sii xoojiyay waxa uu na Soomaalida iyo adduunka tusay waxa uu samayn lahaa haddii uu ciidan xoog leh iyo hub culus haysan lahaa: xasuuq iyo halaag badan buu gaysan lahaa.

Farmaajo waxa uu sii fogeeyay dhismaha ciidan qaran oo Soomaaliya yeelato.

Ciidan dhismihiisi waxaa ka horreeya caqligii, cindigii iyo wacyigii hoggaamin lahaa.

Waxaa Qoray: Cali M Diini

FG: Qoraal kasta waxa uu ka tarjumayaa aragtida qoraha ku saxiixan

Hadalsame Media