ISHAAROOYINKA: Maxaa lagala dhex baxay khudbaddii uu maanta MW Farmaajo ka jeediyey Wasaaradda Gaashaandhigga?!

0

(Hadalsame) 12 Abriil 2022 – Khudabaddii oday Farmaajo uu ka jeediyey munaasabadda xuska 12 April, oo ahayd middii ugu dheereyd ee uu jeediyo; waxaan ka fahmay dhowr arrimood:

Tan koowaad: Odaygu kalimadda ugu badan ee uu sheegey waxay ahayd “QABIIL” uu umadda uga digayay. Farmaajo wuxuu iska indhatiray waaqaca Soomaaliya ee qabiilka wax walba ay ku salaysan yihiin sida in Xildhibaanada lagu soo doorto qabiil, xilalka kalena lagu magacaabo qabiil.

Tan labaad: Wuxuu inkiray dawladihii asaga ka horeeyey iyo waxqabadkoodii, asagoo ka soo qaaday xilli qabiil shaqaynayay oo kaliya.

Tan saddexaad: Oo la yaabka lahayd waxay ahayd inuusan khudbadiisa hal marna ku xusin “kooxda Shabaab” oo uu bedelkeeda adeegsanayay “Alqaacida” asagoo ku dhiiran waayay sida uu hadalada kale ugu dhiirtay!

Tan Afraad: Wuxuu ka hadlay dhismaha, qalabaynta iyo xuquuqda ciidanka laakin ma xusin hal tuulo oo ay xoreeyeen, waxaana cabsi laga qabo Shabaab darteed loo xiray maantay magaalada Muqdisho oo dhan!

Tan Shanaad: Wuxuu ka hadlay wadaniyadda iyo xasilooni-darro siyaasadeed asagoo ku celceliyey, waxaana la og yahay mudadii uu joogay xukunka in qabyaaladii ay dib u soo noolaatay, kala aamin bax weyn ay dhacday, xasiloonidarrada siyasadeed ee uu abuurayna in madaxtooyadii Aag la isugu jiro oo asaga iyo xukuumadiisii aysan wax wada shaqayn ah lahayn

Tan Lixaad: Maba soo qaadin wax doorasho la yiraahdo, Dhaarinta xildhibaanada iyo gobolka Gedo oo siyaasadda gurracan ee Farmaajo ay sababtay in illaa iyo hadda muranka kuraasta taalla uu socdo.

Ugu dambayn duqu wuxuu u muuqday nin ummad iyo caalam kale la hadlaya oo ka boodsan waaqaca runta ah ee Soomaaliya. waxaana rajaynayaa khudabadani in ay noqoto mid sagootis ah sida kalimooyinkiisa qaar ka muuqatay.

Waxaa Qoray: Siyaasiga Axmed Macallin Fiqi

FG: Qoraalkani wuxuu ka tarjumayaa aragtida qoraha ku saxiixan oo qura

Hadalsame Media